Baarlamaanka 'Galmudug' Oo Eryay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Saturday September 15, 2018 - 19:49:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka 'Galmudug' Oo Eryay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

    Garab kamida xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Galmudug isku magacaabay ayaa ku dhawaaqay in ay shaqada Ka Eryeen Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo sanadadii lasoo dhaafay ku magacaawnaa madaxweynaha 'Galmudug'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garab kamida xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Galmudug isku magacaabay ayaa ku dhawaaqay in ay shaqada Ka Eryeen Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo sanadadii lasoo dhaafay ku magacaawnaa madaxweynaha 'Galmudug'.

Kadib kulan ay magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ku yeesheen Xildhibaanno katirsan Maamulka Galmudug balse ladhacsan siyaasadda Xukuumadda Kheyre ayay ku sheegeen in ay casileen Xaaf sida ay hadalka u dhigeen.

Kulankii Cadaado ka dhacay maanta gelinkii dambe waxaa shir guddoominayay Gacali Cali Casir oo khamiistii lasoo dhaafay xildhibaanno ku shiray magaalada Dhuusamareeb ay kalsoonidii kala noqdeen.

Madashii Xaaf lagu eryaye waxaa ku sugnaa Max'med Xaashi Carrabeey oo ah Ninka uu Farmaajo uwakiishay in uu xagal daaciyo siyaasadda Xaaf ee maamul ku sheegga Galmudug.


Maamulkan ayaa ah mid ugu liita maamullada shisheeyuhu dhisay ee kajira Bartamaha dalka Soomaaliya wuxuuna maamulkan ka dhaqaaqi la'yahay faragelin uga imaanaysa hoggaanka Dowladda Federaalka iyo maleeshiyaad hubeysan.

'Galmudug' wuxuu noqday maamulka kaliya ee gilgishay tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu dhacay shirkii magaalada Kismaayo ee Golaha iskaashiga Maamul goboleedyadu ku iclaamiyeen in ay xiriirka ujareen dowladda Federaalka Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items