Baarlamaanka Ciraaq Oo Afhayeen Cusub Doortay.

Sunday September 16, 2018 - 11:39:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Ciraaq Oo Afhayeen Cusub Doortay.

    Kadib khilaaf soo jiitamayay labadii bilood ee lasoo dhaafay ayay ugu dambeyn xildhibaannada baarlamaanka dowladda shiicada Ciraaq waxay doorteen guddoomiye cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib khilaaf soo jiitamayay labadii bilood ee lasoo dhaafay ayay ugu dambeyn xildhibaannada baarlamaanka dowladda shiicada Ciraaq waxay doorteen guddoomiye cusub.

Kulan ka dhacay magaalada Baqdaad oo ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay ayaa sababay in Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Ciraaq ay Maxamed Al Xalmbuusi udoortaan guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.

Siyaasigan kasoo jeedo Sunniyiinta Ciraaq ayaa helay 163 cod wuxuuna ka adkaaday musharixiin ka socday daa'ifada Shiicada, loollan aad u xooggan ayaa dhinacyada dabadhilifyada ah shalay ku dhaxmaray hoolka Baarlamaanka.

Xildhibaannada baarlamaanka kujira ee kasoo jeeda qowmiyadda Kurdiyiinta ayaa ayaa codadkooda ugu shubay Alxalbuusi oo sidaas uga adkaaday xisbiyada shiicada oo dadaal ugu jiray in kursigan ay ku fadhiistaan.


Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Ciraaq ayaa horay usoo noqday guddoomiyaha gobolka Al-anbaar waana Nin shakhsiyad xun leh oo maleeshiyaadka shiicada iyo ciidamada Mareykanka ku hoggaamiyay dhulalka muslimiinta Ciraaq.

Tani ayaa imaanaysa xilli wali ay axzaabta siyaasadda wadanka ay madaxa iskula jiraan waxayna isku mari la'yihiin ciddii soo dhisi laheyd xukuumadda soo socota kadib markii Muqtada Alsadar uu sameystay isbaheysi uu ku wajahayo axzaabta kale ee iiraan ujanjeera.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items