Sawirro: Boqorka Sacuudiga Oo Billado Dahab Ah Qoorta Ugeliyay Madaxda Itoobiya iyo Ereteria.

Sunday September 16, 2018 - 20:04:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Boqorka Sacuudiga Oo Billado Dahab Ah Qoorta Ugeliyay Madaxda Itoobiya iyo Ereteria.

    Magaalada Jiddah ee ku teedsan xeebta Badda Cas ee wadanka Sacuudiga waxaa ka dhacday munaasabad ballaaran oo ay soo agaasimeen Hoggaamiyaasha maamulka Aal Sacuud waxaana munaasabadda qaban qaabadeeda ku baxay lacago Malaayiin Dollar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jiddah ee ku teedsan xeebta Badda Cas ee wadanka Sacuudiga waxaa ka dhacday munaasabad ballaaran oo ay soo agaasimeen Hoggaamiyaasha maamulka Aal Sacuud waxaana munaasabadda qaban qaabadeeda ku baxay lacago Malaayiin Dollar ah.

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/Caziiz iyo wiilkiisa dhaxal sugaha ah ayaa Jiddah isugu geeyay Madaxweynaha Ereteria iyo R/wasaaraha Itoobiya, qasriga martida Jidda lagu kulmiyay labadan Nin ee Afrikaanta ah halkaas oo lagu guddoonsiiyay Billado Dahab ah oo loogu magac daray "Billda Boqor C/Caziiz".

Xoghayaha guud ee Q.Midoobe iyo wasiiru dowlaha wasaarradda arrimaha dibadda Imaaraatka Carabta ayaa iyana ku sugnaa munaasabadda kuwaas oo goob joog u ahaa Heshiis Nabadeed oo ay wada saxiiyeen madaxda Itoobiya iyo Ereteria.



Max'med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga oo isna madasha ku sugnaa ayaa sheegay in boqortooyada Aala Sacuud ay sharaf u tahay soo gaba gabeynta wax uu ugu yeeray dagaalkii sokeeyay ee ka aloosnaa Bariga dhexe.

Sawirro lagasoo qaaday madashii xafladdu ka dhacaysay ayaa muujinayay Salmaan Bin C/Caziiz oo billado dahab ah qoorta ugelinaya Afawarki iyo Abiy Axmed.






SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items