Sawirro:Buug Diinta lagu Caynayo oo Nairobi lagu soo Bandhigay iyo culimada ictisaam oo ka qayb gashay,Qofkii Riddoobo Lama Dili Karo!

Thursday September 18, 2014 - 11:55:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 5 2
  • Share via Social Media

    Sawirro:Buug Diinta lagu Caynayo oo Nairobi lagu soo Bandhigay iyo culimada ictisaam oo ka qayb gashay,Qofkii Riddoobo Lama Dili Karo!

    Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Mahad oo dhan allay u sugnaatay allahii noosoo dajiyay diin dhamaystiran oo aan dhaliil iyo duleel midna lahayn allahaas ayey usugnaatay mahad oo dhan awalkeed iyo aakhirkeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh. Mahad oo dhan allay u sugnaatay allahii noosoo dajiyay diin dhamaystiran oo aan dhaliil iyo duleel midna lahayn allahaas ayey usugnaatay mahad oo dhan awalkeed iyo aakhirkeed.

 



Kadib waxan rabaa halkaan inaa ku difaaco diintayda oo aan la seexan waayey labadii habeen ee la soo dhaafay waxaana allaah waydiisanayaa qalinkaygaan aan ku difaacayo diintiisa inu abaalkeeda isiiyo maalinta qiyaame ee xisaabta iyo xilku yaaliin, waxaana allaah uga baryayaa dhamaan inta diintiisa difaacaysa inu ka abaal mariyo kii qori ku difaacaya iyo kii qalin ku difaacaya.



Labo bari ka hor ayaa magaalada Nairobi waxaa lagu soo bandhigay Buug laku tilmaamay inuu difaacayo diinta soona celinayo xaq maqan balse buuggaas bilowgiis ilaa dhamaadkiisa waxaa lagu caynayaa diinteena macaan ee islaamka ee kala saartay xaqqa iyo baadilka xalaasha iyo xaaraanta, diinteena macaan ee na bartay sidaan ugu noolaan lahayn caalamkan uu allaah nagu abuuray, caalamkaan oo u jeedka naloo keenay ay tahay in allahii na abuurtay oo qura lagu caabudo laguna adeeco wixii uu farayna aan raacna wixii allah iyo rasuulkiisu SCW nooga digeena ka digtoonaano.

Hadaba Buugaan ayaa waxaa qoray nin calmaani murji’o ah oo hadalkiisu u muuqdo sidii inuusanba diinta islaamka ku jirin markaad u fiirsato hadaladiisa oo waxaa ka mid ah "haddaa islaam tihiin maxaad u diideen in gabadha muslimka ah ay guursato nin gaal ah?” Waxaad umalaysaaba ninka nala hadlaya inuu diin kale haysto balse adigaa xukumi doono akhristoow.

Buugaan ayuu ugu magac daray Xadka Riddada Maxaa ka Run ah? Buuggaan wuxuu qoray 5 sano kahor 2009 kii balse kan ayaa ah daabacadii labaad qoraaguna wuu qariyay inu mar hore soo daabcay oo kan ayuu ka dhigay midkii ugu horeeyay.

Buugaan ayaa waxaa culimo ka ah culamaa’u suuga caadaystay diinta islaamka inay caayaan oo ceebeeyaan waxaana kow ah Qardaawi oo uu qoraagu ka dhiganayaa shiikhiisa khaaska ah balse qurunka iyo diin cayga ayey ku midaysanyihiin.

Ninkaan buugga qoray ayaa faqro kasta oo buuga ka mid ah wuxuu ku caynayaa diinteena islaamka iyo culimadeena hore iyo kuwa hadda culimadaas oo diinta ka run sheegay oo ah culimo rabaaniiyiin ah wuxuuna ka soo reebanayaa inta la fikirka ah sida culimada kala qayb gashay fadhigii lagu soo bandhigayey Buuggaas.

Qoraagan ayaa dhowr meelood oo qoraalkiisa ka mid ah ku simaya ragga iyo dumarka balse inta badan qoraalkiisa qurmuun wuxuu ku weerarayaa culimada iyo diinta islaamka isagoo waydiinaya su’aalo gaalnimo ah oo kasoo hor jeeda ayaado quraan ah oo ku dhigan quraanka, waxaana ka mid ah qiso ka dhacday maalin dhawayd dalka sudan oo uu soo qaatay.

Qisadan yar ayuu qoraagi u hadlayaa sidii nin khamriyaysan sababtoo ah qisada ayuu wuxuu ku leeyahay waxay ka dhacday suudan waxayna ku dhacday gabar maryam la dhaho oo dhakhtarad ah gabadhaas oo muslimad ah waxayna guursatay nin kiristan ah maxkamad ku taal sudan ayaa ku xukuntay gabadha marka hore 100 jaldaad maadama ay u galmootay nin gaal ah galamadaasna ay xaaraan ahayd ninkaasina uusan ku xirnayn maadaam uu gaal yahay kadib intaas ayaa maxkamadda waxay waydiisatay gabadha inay diinta islaamka ku soo noqoto 3 bari gudaheed kadibna gabdhii ayaa diiday, qaadigiina wuxuu ku xukumay daldalaad qoraagu wuxuu gadaal ku leeyahay gabadhu waligeed muslim maysan noqon oo kirastan ayey ahayd ee maxaa loo dilay horeyna wuxuu ku soo yiri gabadhu waxay ahayd muslim waa hadal is burinaya oo aad umalayso inuu sarqaansanaa markuu qorayey, qoraaga hadalkiisan qurmuun wuxuu ku difaacaya gabadha oo uu leeyahay xor ayey u tahay ee maxaa loo dilay wuxuuna leeyahay dilkaasi maaha mid diinta ku jira.

Qoraagaan ayaa wuxuu qabaa gabi ahaanba inaan qof loo dili Karin inu ka baxay diinta wuxuuna beeninayaa axadiista kusoo aroortay xukunkaan iyo aayadaha quraanka ee tilmamaya inaysan jirin diin kale oo la aqbalayo ilaahay agtiisa iyo in qofka ka baxaa diintaan uu yahay mid uu buray camalkiisu naarna ay tahay meesha uu u hoyanayo.

دين الإسلام الذي لا يقبل الله من أحد دينا سواه، قال تعالى: (اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا) وقال:( ان الدين عند الله الإسلام)، وقال:( ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين)،

Qoraagan ayaa isaga oo sii wata qisadii gabadha maryan ayuu wuxuu leeyahay sidatan.

Halkan ka eeg nushko kamid ah buugga

Wuxuu yiri qoraagu "Su’aal u baahan in la is waydiiyo waxay tahay waa maxay sababta ragga muslimka ah loogu ogolaaday inay guursadaan gabdhaha aan muslimaadka ahayn, lakin maxaa gabadha muslimaadka ah loogu diiday inaysan guursan ragga aan muslim ahay?” waa su’aal foolxun oo ka soo baxday af qurmuun oo aan diin iyo islaamk midna wax ka haysan.

Faqrada ku xigta taas wuxuu ku leeyahay "Culimada islaamku xoogoodu waxay qabaan in dumarka islaamka ah aysan banaanayn inay guursadaan ragg aan muslim ahayn, Run ahaantiina mawqifkaas waa kii yahuuda iyo kiristanka”.

Qoraagan aayadii quraanka ahayd ee

قال تعالى :

وَلاَ تَنكِحُواْ الْمُشْرِكَاتِ حَتَّى يُؤْمِنَّ وَلأَمَةٌمُّؤْمِنَةٌ خَيْرٌ مِّن مُّشْرِكَةٍ وَلَوْ أَعْجَبَتْكُمْ وَلاَتُنكِحُواْ الْمُشِرِكِينَ حَتَّى يُؤْمِنُواْ وَلَعَبْدٌ مُّؤْمِنٌ خَيْرٌمِّن مُّشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ أُوْلَئِكَ يَدْعُونَ إِلَى النَّارِوَاللّهُ يَدْعُوَ إِلَى الْجَنَّةِ وَالْمَغْفِرَةِ بِإِذْنِهِوَيُبَيِّنُ آيَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ}(221) سورةالبقرة

iyo xukunkii alle ayuu ka dhigayaa mid culimada xoogooda ay qabaan oo kaliya, wuxuuna hoos ku mucaaradayaa in gabadha muslimada ah loo diido inay guursato ninka gaalka ah, waxaa qoraagaan u hadalayaa gabi ahaantiisaba qaab calmaanimo wuxuuna farayaa inuu qofku gali karo diinta uu doono aysana banaanayn in ladilo ama xitaa maxkamad la soo taago.

Qoraagaan ayaa dhaliilaya dhamaan meelaha la isku xukumo shareecada islaamka wuxuuna ku tilmaamayaa kuwa aan ka tarjumayn islaamka.

Qofkii u baahan wuu akhrisan karaa buugaas wuxuuna ka soo saari karaa khaladaad manhaji iyo caqadi ah oo uu ninkaasi ku dhacay.

Waxaa layaabka leh ayaa waxay tahay culimada usoo fariisatay maamuusida buugaas iyo faafidiisa iyagoo meeshaa lagu marti qaaday iyagoon marnaba soo hadal qaadin khaladaadka buugaan ee ka hor imaanaya diinteena.

Culimada Ictisaam oo ah kuwa lagu marti qaaday madashaas ayna ka muuqdaan sawirka ayaa amaan iyo bogaadin kala dul dhacay buuga iyo qoraaga waxayna xuseen in lagu dhaqmo iyadoo ay ogyihiin in buugu uu xukumayo in gabi ahaanba la tuuro xukunka ridada oo uusan jirin wax xukun ah oo islaamku uu ku fulin karo qofka diinta ka baxa, xadiiska tilmaamaya arintaana uu yahay siyaasadayn iyo xunguruf hoose oo qofkaas la xukumayo loo qabo.

Buugaan ayaa markii la soo bandhigay waxaa lagu marti qaaday warbaahinta soomaaliyeed ee maqalka iyo muuqaalka ah kuwaas oo gata fikirka loo soo bandhigo iyagoon fiirin waxani islaamka wax ma u dhimayaa mise maya waxayna fiirsadaan oo qura lacagta ay ka qaadayaan soo bandhigaha buugaan ama qoraaga.

Mid ka mid ah warbaahinta ugu caansan soomaalida oo ah hiiraan ayaa faafiyay warkaan oo si dheer uga hadlay balse mid ka mid ah dadka la dhacsan fikirka uu wato ninkaan calmaaniga ah ee diinta ka soo horjeeda ayaa wuxuu ku muujiyay fikirkiisa tacliiq ama comment uu ka bixiyay wuxuuna yiri sidatay.


Waxaa la iisheegay in Nairobi laga wado in maalinta jimcaha lagu soo bandhigo misaajida qaar khatarta iyo khaladaadka ku jira buugaas oo aan ka tarjumayn inuu qoray qof islaamka difaacaya balse u eg ayna tahay inuu qoray qof islaamka qar ka tuuraya.

Shan iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay waxaa soo baxay culimo iyo xukaam carbeed kuwaas oo u olallaynayey sidii la isugu keeni lahaa diimaha oo loo midayn lahaa waxaana ka mid ah culimadaas uguna caansan Shiikh yuusuf al-qardaawi oo si iskiis ah isugu magacowday caalimka culimada iyo muftiga dhan ee diinta islaamka loogu noqdo wuxuuna har iyo habeen ka shaqeeyaa sidii uu u hir galin lahaa fikirkaas oo culimadu rabaaniyiinta ahi ku tilmaameen qof wada fikirka noocaas ah inuu ridoobay oo uusan islaam ahayn.

Culimaa’u suuga ayaa waxay ka gudbiyeen diinta islaamka fikir fool xun oo muujinaya bahdilnimo iyo inuu islaamku yahay mid dhankii loo jiidaba ujiidma waxaana maalinkasta maqalnaa fadeexooyin ka imaanaya culimadaas kuwaas oo mararka qaar lagu soo sheego iyagoo dhex fadhiya xaflada dumarka ay ugu dabaal dagayaan 8 marso marna nala tuso iyagoo dhex fadhiya shir ay qabanyso AMISOM oo lagula dagaalamayo diinta iyo dadka soomaaliyeed sida cali wajiis marna waxaa la soo sheegayaa culimo ka qayb galaysa kulan lagu taageerayo galintaanka ciidamada Kenya ee soomaaliya ay galeen sida sheikh umal marna waxaa la soo sheegayaa culimo ku marti qaaday misaajid gudihiisa gaalo sida safiirka Kenya u fadhiya maraykanka oo kabaha lasoo galay misaajidka abu bakar ee minyabulis waxaana kusoo dhaweeyay sheikh cabdiraxmaan cumar mararka qaar waxaad maqlaysaa xaflad lagu soo bandhigayo dastuurka soomaaliya iyo sidii loo hir galin lahaa iyadoo ka qayb galaya dhamaan kulamadaas iyo fadeexooyinkaas ay la kulmayaan ictisaam maysan ahayn mid muuqday ee waxay ahaayeen mis sir ah balse dhalinyara maskaxda furini ay soo bandhigayeen muuqaalo ka markhaati kici kara kulamadaas qarsoodiga ah.

Diinteena difaaceeda qof walba oo msulim ah waajib ayey ku tahay waxaan ka codsanayaa muslimiinta soomaaliyeed meel walba oo aad joogtaan diiintaan u gargaar af iyo adin maalin iyo muruq qori iyo qalin, marnaba ha u ogolaanina sumcad xumayn iyo aflagaado lagula kaco diinteena.

Dadkaas u istaagay inay diinta u gafaan oo ka hor yimaadaan quraanka iyo axaadiista rasuulka SCW aduunkaan meel xun ayaa u dambaysa aakhirana abaalkooda ilaahaay agtiisa ayey ka helayaan walaalaha muslimiinta ee u taagan oofinta kitaabka alle maalinta ay qabtaan nimankaas qoraya waxan oo kale waa inay xukunka islaamka mariyaan abaalkooda ka jaaseeyaan.

Inkastoo markii aan warbaahinta ka arkay in buug la gu soo bandhigay Nairobi aan ka raadiyay dalka aan joogo balse iima aysan suurta galin inaan ka helo nuskhad buugaas ka mid ah waxaana laygu sheegay nin hadiyad ahaan loogu soo dhiibay ninkii ayaa ii ogolaaday uun inaan sawirka safxada jaalaha ah ka qaato.

Waxaan gadaal kasoo gudbin doonaa maqaal faahfaahsan oo aan ku radin doono ninkaas insha’allaah madaama aysan iisuurta galin inaan buuga gacanta ku dhigo oo wada akriyo balse aan ku sameeyay dul mar iyo akhrin dheeraysa anigoo taagan intaanina waxay iga tahay digniin hordhac ah iyo baraarujin culimada u istaagi doonta malinta jimcada radinta ninkaas iyo culimadii agfariisatay ee sadiqday ama soo dhawaysay.








W/D Abuu Dujaana oo Nairobi jooga

Related Items