Ciidamo Kawada tirsan Maamulka Galmudug Oo Ku Dagaallamay Duleedka Dhuusamareeb.

Thursday September 20, 2018 - 08:44:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Kawada tirsan Maamulka Galmudug Oo Ku Dagaallamay Duleedka Dhuusamareeb.

    Iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad kawada tirsan maamulka isku magacaabay Galmudug ku dhaxmaray deegaan kaabiga ku haya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo khasaara dhaliyay ayaa maleeshiyaad kawada tirsan maamulka isku magacaabay Galmudug ku dhaxmaray deegaan kaabiga ku haya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu dhintay tira kalane ay dhaawacmeen kadib markii labada ciidan ku dagaallameen wadada laamiga ah ee isku xirta Cadaado iyo xarunta gobolka.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamo ilaalo u ahaa mas'uul katirsan Galmudug oo ka amba baxay Dhuusamareeb kunasii jeeday Gaalkacyo ay wadada ugaleen ciidamo kale oo daacad u ah garabka fadhigiisu yahay Cadaado.


Isbitaalka magaalada Dhuusamareeb ayaa ladhigay ciidamada kusoo dhaawacmay dagaalka ka dhacay agagaarka deegaanka Godinlabe, khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug ayaa usii buuxsiibanaya gacan ka hadal waxaana garabka Axmed Ducaale Geelle Xaaf ku adkaatay in ay isaga kala gooshaan Mudug iyo Galgaduud.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items