Askar iyo Saraakiil Katirsan DF Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay deegaanka Lambar60 Sh/Hoose.

Thursday September 20, 2018 - 08:56:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar iyo Saraakiil Katirsan DF Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay deegaanka Lambar60 Sh/Hoose.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax ka dhacay duleedka Kismaayo
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Lambar60 ee duleedka magaalada Marka ayaa sheegaya in qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka uu sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo la socday gaari.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxu uu beegsaday gaari nuuciisu yahay Roneed waxaana ku dhintay illaa 4 qof oo laba kamida ay ahaayeen saraakiil ciidan, idaacadda Andalus ee Afka Al Shabaab ku hadasha ayaa baahisay in laba askari oo ilaala u ahaa saraakiisha kala ah Kabtan Cali Dhuux iyo Laba Xidigle Cabdulle ay dhammaantood ku dhinteen qaraxa.


Askarta iyo saraakiisha qaraxa ku dhintay ayaa ka yimid dhanka magaalada Marka waxayna kusii jeedeen saldhigga AMISOM ee deegaanka Lambar50 ee isla gobolka Sh/Hoose, dagaalladan waxay imaanayaa xilli isbuucyadii lasoo dhaafay ay dagaallo culus ka dhacayeen deegaannada xeebta ku teedsan ee Sh/Hoose.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items