Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamo lagula Beegsaday Gobollada Gedo iyo Sh/Hoose.

Thursday September 20, 2018 - 20:50:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamo lagula Beegsaday Gobollada Gedo iyo Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagula beegsaday ciidamada gummeysiga Kenya ee xoogga ku jooga qeybo kamid ah gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagula beegsaday ciidamada gummeysiga Kenya ee xoogga ku jooga qeybo kamid ah gobolkaasi.



Kolonyo katirsan ciidamada Kenya oo ka amba baxay deegaanka Faxfaxdhuun ayaa qarax lagula beegsaday meel ku dhow deegaanka Gerileey.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lagu dilay 2 askari Kenyaan ah halka 4 kale ay ku dhaawacmeen sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha.



Dhinaca kale qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Maryan Gubaay ee gobolka Sh/Hoose ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Xilligii qaraxu dhacayay ayay maleeshiyaadka dowladda ku mashquulsanaayeen cunista Maandooriyaha Khaatka, deegaanka Maryan Gubaay ayaa u dhaxeeyay degmooyinka Baraawe iyo Buula Mareer.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items