Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Sarkaal Katirsanaa Booliska Oo Muqdisho lagu dilay.

Saturday September 22, 2018 - 11:41:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Sarkaal Katirsanaa Booliska Oo Muqdisho lagu dilay.

    Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo khasaaraha dhaliyay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo khasaaraha dhaliyay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Weerar hubeysan oo shalay ka dhacay xaafadda Afisyooni degmada Waaberi ayaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada booliska dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogag hubeysan ay toogasho ku dileen sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Mahad Gudhuu oo kamid ayaa saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Dhinaca kale qarax ka dhacay wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Laantabuur ayaa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaariga labeegsaday uu qaraxa ku gubtay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii la socday.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa iyo dilka ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items