Maxaa loo Xiray Madaxii Caafimaadka Nabad Sugidda Dowladda Federaalka?

Sunday September 23, 2018 - 10:58:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa loo Xiray Madaxii Caafimaadka Nabad Sugidda Dowladda Federaalka?

    Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka hay'adda Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoogeystay tan iyo markii taliye ku xigeen loo magacaabay Fahad Yaasiin agaasimihii hore ee madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Nabad sugidda oo shacab baaraya
Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka hay'adda Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoogeystay tan iyo markii taliye ku xigeen loo magacaabay Fahad Yaasiin agaasimihii hore ee madaxtooyada.

Ciidamo daacad u ah taliyaha Nabad sugidda ayaa shalay gelinkii dambe qafaalay madaxii caafimaadka Nabad Nabad sugidda Ninka lagu magacaabo Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo wajiyadu uduubanyihiin ay ka xaysteen Gacal ayna ula dhaqaaqeen meel aan la ogeyn.

Xarigga Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa yimid kadib markii gaarigiisa uu qarax qabsaday xilli uu yiillay afaafka hore ee guriga uu ka degganyahay magaalada Muqdisho.


Ehelkiisa ayaa warbaahinta u sheegay in ay layaabeen sababta loo xiray Nin mas'uul ah oo qarax ka badbaaday islamarkaana isagoo dhibane ah xarig iyo jirdil laysugu daray, horay ayuu Farmaajo shaqada uga Eryay Cabdalla Cabdalla oo muddo sanada ah ku magacaawnaa Taliye ku xigeenka sirdoonka dowladda Federaalka.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in khilaafka u dhaxeeya Nabad sugidda uu gaaray in saraakiisha qaarkood xafiisyadooda lajabsado oo lagala baxyo qalabkii ay ku shaqeynayeen iyo dukumiintiyo sir ah.

Sirdoonka dowladda Federaalka oo wada shaqeyn laleh Mareykanka iyo itoobiya ayaa ku fashilmay dagaalka dhanka amniga ah ee uu kula jiro Xarakada Shabaabul Mujaahidiin fashilkaas ayaana la rumeysanyahay in uu isku rogay khilaaf iyo is qabqabsi baaxad leh.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items