Iiraan Oo Qaar Kamid Ah Dowladaha Gacanka Ku Eedaysay Weerarkii lagu Hoobtay Ee Al Ahwaaz.

Sunday September 23, 2018 - 11:33:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iiraan Oo Qaar Kamid Ah Dowladaha Gacanka Ku Eedaysay Weerarkii lagu Hoobtay Ee Al Ahwaaz.

    Dowladda shiicada iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay soo gaba gabaysay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda shiicada iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay soo gaba gabaysay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadankaasi.

Madaxweynaha iiraan Xasan Ruuxaani ayaa ku eedeeyay in laba dowladood oo dhaca Mandiqadda Khaliijka in ay mas'uul ka ahaayeen weerarka ayna tababar iyo maalgelin siiyeen dagaalyahannadii fuliyay weerarkii Ahwaaz.

Weerarkan oo mas'uuliyaddiisa ay sheegatay xarakada Qowmiga Al-Ahwaaz wuxuu ka dhacay goob uu dhoollatus Melleteri ka socday waxaana ku dhintay ugu yaraan 28 qof oo saraakiil iyo askar katirsan ciidamada ilaalada kacaanka iiraan ay kamid ahaayeen.


Taliyaha ciidamada Kacaanka iiraan ayaa sheegay in ay gacmaha ka goyn doonaan kuwii soo agaasimay weerarka oo uu ku eedeeyay wakiillada Mareykanka ee Mandiqadda Khaliijka, iiraan ayaa tuhunsan in dowladda Sacuudiga ay agaasintay weerarkan sidoo kale waxay uyeertay Ninka sii wada shaqada safaaradda dowladda imaaraatka ee magaalada Tahran.

Dhinaca kale dhaq dhaqaaqa Qowmiga Al-Ahwaaz oo muddo ku dhow 50 sano dagaal kula jira dowladda shiicada Iiraan ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan wuxuuna ku goodiyay in weeraro kuwaan ka xanuunbadan ay qaadi doonaan haddii dowladda iiraan aysan madax banaani siin dadka kunool gobolka Ahwaaz.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items