Al-Shabaab Oo Gaari James Ah Ku Burburiyey, Askarna Ku Laayey Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sunday September 23, 2018 - 17:38:17 in Wararka
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Gaari James Ah Ku Burburiyey, Askarna Ku Laayey Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

    Qarax aad u xoogan oo la aaminsan yahay inuu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan DFS oo ku socdaalayey wadada xeebta ee u dhexeysa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax aad u xoogan oo la aaminsan yahay inuu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan DFS oo ku socdaalayey wadada xeebta ee u dhexeysa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Qaraxan ayaa si gaar ah kaga dhacay inta u dhexeysa deegaanada Dhanaane iyo Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in lagu burburiyey gaari ciidan oo ay la socdeen tobanaan ka tirsan maleeshiyaatka DFS.

Goobjoogeyaal ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyey in qaraxaas lagu burburiyey gaari James ah, islamarkaana ay goobta dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ugu yaraan 14 askari.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda war ay soo saartay ku sheegtay in qaraxaas ay la heleen gaari ciidan, iyagoona sheegay in weerarkaas ay si ba'an ugu halaagsameen tobanaan ka mid ah ciidamada la beegsaday.


Saraakiil u hadlay Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxa lagu dilay ugu yaraan 8 askari, laguna dhaawacay 6 kale.

"Gaari James ayaan burburinay, 8 askarina waan dilnay, 6 kalena waan dhaawacnay" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab oo laga sii daayey Idaacadda Islaamiga Andalus.

Tobanaan ka tirsan maleeshiyaatka DFS ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay lagu dilay qaraxyo siyaabo kala duwan kaga dhacay gobolada dalka.

Related Items