Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Wadada Xeebta Deegaanka Jazeera Duleedka Muqdisho.

Tuesday September 25, 2018 - 20:21:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Wadada Xeebta Deegaanka Jazeera Duleedka Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka maanta lagula beegsaday duleedka deeganka Jaziira ee shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara badan dhaliyay oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka maanta lagula beegsaday duleedka deeganka Jaziira ee shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya wadada xeebta ah ee xiriirisa Marka iyo Muqdisho ayaa sheegaya in weerar hubeysan ay lakulmeen ciidamo katirsan DFS, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xaralada Al Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamo ku socdaalayay wadada xeebta ah.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 5 askari ay ku dhinteen weerarka halka 8 kale ay dhaawacyo soo gaareen, wararka ayaa intaas ku daraya in gaari Tiknika ah uu ku gubtay goobta dagaalka.

War kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha, deegaannada kaabiga ku haya Jaziira iyo Marka ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay marti gelinayay dagaallo iyo qaraxyo ay askar badani ku dhinteen.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items