Ciidamo Kenyaan Ah Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weeraro Ka Ka Dhacay Gobollada NFD iyo Lamu.

Tuesday September 25, 2018 - 20:57:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Kenyaan Ah Oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Weeraro Ka Ka Dhacay Gobollada NFD iyo Lamu.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in markale weerar hubeysan lala beegsaday ciidamo isugu jira Boolis iyo Melleteri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in markale weerar hubeysan lala beegsaday ciidamo isugu jira Boolis iyo Melleteri.

Ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay kadib markii shiishyahanno katirsan Al Shabaab ay weerareen saldhig ciidan oo kuyaal gobolka Lamu ee xeebta ku teedsan sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira ayaa sheegaya  in qarax lagu burburiyay gaari ay la socdeen ciidamada melleteriga Kenya balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa NFD ka dhacay.


Shalay ayay aheyd markii weerar ka dhacay Lamu ay xoogaga Al Shabaab cagta ku mariyeen saldhig melleteri ayna ku dileen ugu yaraan 10 askari Kenyaan ah sedax kalane ay maxaabiis ahaan gacanta ugu dhigeen.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items