Olole Muqtaar Rooboow looga dhigayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Bilaawday.

Wednesday September 26, 2018 - 14:24:43 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olole Muqtaar Rooboow looga dhigayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Bilaawday.

    Kulamo ay gadaal kasoo riixayaan dowlado shisheeye iyo hay'ado caalami ah ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaana looga gollleeyahay sidii Kursiga maamulka Koonfur galbeed loogu fadhiisin lahaa Muqtaar Rooboow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulamo ay gadaal kasoo riixayaan dowlado shisheeye iyo hay'ado caalami ah ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaana looga gollleeyahay sidii Kursiga maamulka Koonfur galbeed loogu fadhiisin lahaa Muqtaar Rooboow.

Kulamo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa lagu qabtay Hotello kuyaal Muqdisho iyo Baydhabo waxaana dhammaantood lagu dalbanayay in Muqtaar Rooboow loo doorto madaxweynaha maamulka dabadhilifka 'Koonfur Galbeed'.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Rooboow qudhiisa uu gadaal ka riixayay kulamada ka dhacay Hotellada oo qeyb ka ah mashruuc uu taageero ku raadsanayo si uu ugu guuleysto xilka madaxweynaha maamulka fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.


Hay'adda UNDP iyo Xafiiska Q.Midoobe ee Soomaaliya ayaa kaalin weyn ku leh kicinta waxa ay ugu yeeraan Ururada Bulshada Rayidka ah si Muqtaar Roboow loo geliyo rejada ah in uu ka guuleysto Shariif Sakiin.


inkasta oo uusan Abuu Mansuur illaa iyo hadda iskusoo sharrixin xilka madaxtinimada maamulka 'Koonfur Galbeed' hadane wuxuu kasoo muuqanayaa fagaarayaasha ay ku shiraan musharrixiinta xilkan utaagan.

Rooboow oo sanaddii 2017 isku dhiibay ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Xudur ayaa markii dambe u wareegay magaalooyinka Muqdisho,Baydhabo iyo Kismaayo halkaas oo uu kulamo kula qaatay saraakiil American ah iyo kuwa ka socday waxay loogu yeero Beesha caalamka dhammaantoodna wuxuu uballan qaadayay in uu kala shaqeyn doono ladagaallanka Al Shabaab.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items