Weerar Gaari looga Qabsaday Ciidamada Maamulka 'Koonfur Galbeed' oo ka Dhacay Duleedka Buurhakaba.

Thursday September 27, 2018 - 09:06:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaari looga Qabsaday Ciidamada Maamulka 'Koonfur Galbeed' oo ka Dhacay Duleedka Buurhakaba.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay uu ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada Buurhakaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay uu ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada Buurhakaba.



Iska hor'imaadyo xooggan ayaa saaka aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada Buurhakaba, iska hor'imaayada ayaa billaawday kadib markii maleeshiyaadka maamulka 'Koonfur Galbeed' ay lakulmeen weerar dhabbagal ah oo uga yimid ciidamada Al Shabaab.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in dagaal culus uu labada dhinac ku dhaxmaray tuulo dhanka waqooyi Bari uga beegan degmada Buurhakaba oo maleeshiyaadka maamulka 'Koonfur galbeed' ay isku dayeen in ay dhac iyo boob ka geystaan.



Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in dagaalka askar lagu dilay kuwa kalane lagu dhaawacay.

Ciidamada Al Shabaab ayay usuurtagashay in ay gacanta ku dhigaan mid kamida gaadiidkii ay kusoo dagaal tageen ciidamada Koonfur Galbeed, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xoogaga Al Shabaab ay u hareen tuuladii lagu dagaallamay halka maleeshiyaadkii maamulka Shariif Sakiin iyagoo Meydad iyo dhaawacyo wata ay dib ugu laabteen degmada Buurhakaba.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items