Daawo Video: Farmaajo Oo Wax Uu isagu Ku Hadaaqay Ku Eedeeyay Madaxda Maamul Goboleedyada.

Thursday September 27, 2018 - 16:40:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Farmaajo Oo Wax Uu isagu Ku Hadaaqay Ku Eedeeyay Madaxda Maamul Goboleedyada.

    Markii ugu horraysay hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymo isdaba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay dowladdiisa uga imaanaya madaxda maamul goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymo isdaba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay dowladdiisa uga imaanaya madaxda maamul goboleedyada.

Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo kalimad ka jeedinayay munaasabad lagu furayay ololaha waxbarashada dadka waaweyn oo Muqdisho ka dhacday ayaa sheegay in siyaasiyiin danlleey xanaaqsan ay Soomaaliya dhibaata ka wadaan.

Wuxuu ku eedeyay in ay banneeyeen beenta iyo xaaraanta sida uu hadalka u dhigay "siyaasiyiinta xanaaqsan waxay halleeyeen dhaqankii waxay xalaaleeyeen beentii waxay xaraantinimeeyeen in aan la shaqeysan" ayuu yiri Farmaajo wuxuuna muujiyay heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka kala dhaxeeya kuwa isku magacaabay 'Golaha iskaadhiga maamul goboleedyada.


"Siyaasiga xanaaqsan waxay ka hadlaan Beesha Caalamka Hanoo timaado hana dhex dhexaadiso, waxay ka hadlaan calaacal, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay ma soo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar ma lahan, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahanā€¯ayuu yiri Farmaajo.

Hoggaamiyaasha maamullada ayuu ku dhaliilay in ay hadallo niyad jab ah jeediyeen sida iyagoo yiri "alshabaab waan ka adkaan weynay ammaanka Muqdisho faraha ayuu kasii baxayaa".

Waxaa xusid mudan in hadal uu Farmaajo jeediyay sanaddii lasoo dhaafay uu ku sheegay wax u dhigma waxa uu hadda ku eedeeyay madaxda maamul goboleedyada isagoo xilligaas Muqdisho ka sheegay in dowladdiisu aysan ka adkaan karin Al Shabaab islamarkaana ciidamada dowladdu aysan laheyn caqiiqo dagaal.

Halkan ka degso Video-ga Farmaajo oo ku hadlaya wixii uu Madaxda maamul goboleedyaa ku eedeeyay

FG: qeybta dambe ee Video-ga ayaan ku daawan kartaan hadalladiisi hore


Related Items