Siyaasi Kenyaan Ah Oo Sheegay in Dowladda Mareykanka Ay Boob ku heyso Macaadinta Soomaaliya.

Saturday September 29, 2018 - 10:56:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Kenyaan Ah Oo Sheegay in Dowladda Mareykanka Ay Boob ku heyso Macaadinta Soomaaliya.

    Mid kamida taageerayaasha ugu waaweyn dowladda Farmaajo ayaa xaqiijiyay in dowladda Mareykanka ay boob daran ku hayso kheyraadka dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida taageerayaasha ugu waaweyn dowladda Farmaajo ayaa xaqiijiyay in dowladda Mareykanka ay boob daran ku hayso kheyraadka dalka Soomaaliya.
Faarax Macallim oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa ka shanqariyay in ciidamada shisheeye ee duullaanka ku joogo dalka Soomaaliya ay sare uqaadeen boobka ay ku hayaan Kheyraadka dalka.

Qoraallo isdaba joog ah oo uusoo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in dhagxaan dheemman ah iyo Macaadin lagasoo qoday Buuraha ku hareeraysan magaalooyinka Buurhakaba iyo Baraawe laga dhoofiyo garoomada Muqdisho iyo Balidoogle.


"Habeen kasta 3-da habeenimo diyaarado kuwa xamuulka ah oo uu Mareykanka leeyahay ayaa isku dhaafa Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho iyo kan Balidoogle, iyagoo mugdiga ku gambanaya una socda meelo aan la aqoon, konteenaro min 40Ft ah ayaa sidoo kale laga soo daabulaa Buur Hakaba ilaa Barawe waxa ay xadayaana waa macaadinā€¯ayuu yiri Faarax Macalin.

Siyaasigan oo kasoo jeeda gobolka NFD ee Kenya gummeysato ayaa kula taliyay Farmaajo iyo Kheyre in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Mareykanka ee Soomaaliya waxaase xusid mudan in madaxda dowladda Federaalka ay yihiin dabadhilifyo indho u ah cadowga shisheeye ee dalka kusoo duulay.

Warkan ayaa imaanaya xilli wasaarrada G/dhigga Mareykanka ay sheegtay in ay ballaarinayso garoonka Balidoogle oo ay ku suganyihiin ciidamada ugu badan ee Mareykanka ka jooga Soomaaliya.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items