Sawiro: Dhulgariir Afar Boqol Oo Qof Ay Ku Dhinteen Ayaa Ka Dhacay Wadanka Indonesia.

Saturday September 29, 2018 - 11:41:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro: Dhulgariir Afar Boqol Oo Qof Ay Ku Dhinteen Ayaa Ka Dhacay Wadanka Indonesia.

    Wararka ka imaanaya wadanka Indonesia ee dhaca qaaradda Asia ayaa sheegaya in boqolaal qof ay ku dhinteen dhul gariir hor leh oo ku dhuftay mid kamida jaziiradaha ugu waaweyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Indonesia ee dhaca qaaradda Asia ayaa sheegaya in boqolaal qof ay ku dhinteen dhul gariir hor leh oo ku dhuftay mid kamida jaziiradaha ugu waaweyn wadankaasi.

Wasaaradda arrimaha gudaha Indonesia ayaa sheegtay in ugu yaraan 384 ay dhinteen kumanaan kalane ay dhaawacmeen kadib markii dhul gariir baaxad leh uu saaka aroortii ku dhuftay Jaziiradda Sulawesi.

Mas'uul u hadlay hay'adda Musiibooyinka dabiiciga Indonesia wuxuu sheegay in boqolaal guri ay ku burbureen dhulka gariirka islamarkaana lala'yahay tobanaan qof oo loo malaynayo in ay ku hoos xanibanyihiin burburka hoostiisa.

Mowjadaha badda ayaa sare ukacay kadib markii uu dhul gariirku ku dhuftay Jaziiradda Sulawesi, dhul gariirkan oo cabirkisu yahay 7.5 oo ah alladda lagu cabiro dhul gariirada ayaa saameyn ba'an ku reebtay kumanaan qoys.


diyaaradaha qumaatiga ukaca oo ay isticmaalaan ciidamada Melleteriga ayaa loo diray jaziiradda dhul gariirku ku dhuftay si ay dhaawacyada usoo daabulaan waxaana xirmay garoonka diyaaradaha caalamiga jaziiradda Sulawesi kadib markii uu dhul gariirku burburiyay halka ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka.

Maamulayaasha wadanka Indonesia waxay soo saareen digniin cusub oo ay muwaadiniinta ugu sheegayaan in ay dhici karaan dhul gariirro u eg Tusunaami oo kale, dhowr bil ka hor dhul gariir halaag sababay ayaa ku dhuftay isla wadanka Indonesia oo ah wadanka ugu jaziiradaha badan caalamka uguna musiibooyinka badan.







SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items