Mareykanka Oo Xiray Qunsuliyaddiisi Magaalada Basra Eedeyna Ujeediyay Iiraan.

Saturday September 29, 2018 - 12:01:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Xiray Qunsuliyaddiisi Magaalada Basra Eedeyna Ujeediyay Iiraan.

    Dibax baxyo rabshada wata oo markale dib ugasoo cusboonaaday Koonfurta wadanka Ciraaq ayaa sababay in dowladda Mareykanka ay albaabada isugu dhufato mid kamida qunsuliyadaheeda muhiimka ah ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibax baxyo rabshada wata oo markale dib ugasoo cusboonaaday Koonfurta wadanka Ciraaq ayaa sababay in dowladda Mareykanka ay albaabada isugu dhufato mid kamida qunsuliyadaheeda muhiimka ah ee wadankaasi.

Wararka ka imaanaya Ciraaq ayaa sheegaya in iskusoo baxyo aad u xooggan oo shalay ka dhacay afaafka hore ee dhismaha qunsuliyadda mareykanka magaalada Albasra ee Koonfurta Ciraaq ay sababtay in laxiro qunsuliyadda.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalihii qunsuliyadda laga daad gureeyay magaalada Basra loona wareejiyay dhanka magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

"Dhammaan howlwadeennadii qunsuliyaddeena magaalada Basrah iyo shaqaalihii caadiga ahaa waxaa loo daad gureeyay safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad, haddii ay wax dhib ah gaaraan muwaadiniinta Americanka ee Ciraaq waxaa mas'uuliyadeeda dusha uridanaysa dowladda Iiraan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka.


Magaalada Basra ee wadanka Ciraaq isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa kajiray iskusoo baxyo ay dhigayaan dadka shiicada kuwaas oo kasoo horjeeda faqri iyo nolol xumada ku dhufatay gobollada Koonfurta dhaca iyagoo dowladaha iiraan iyo Mareykanka si iskumid ah ugu eedeeyay in ay daabulanayaan dhaqaalaha Ciraaq.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items