Roobabka Dayrta Oo Si Heer Sare Ah Uga Da'ay Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Sunday September 30, 2018 - 09:13:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobabka Dayrta Oo Si Heer Sare Ah Uga Da'ay Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

    Roobab Mahiigaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay gobollo dhaca bartamaha iyo Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Mahiigaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay gobollo dhaca bartamaha iyo Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobollada Hiiraan,shabeellaha dhexe Mudug iyo Galguduud ayaa sheegaya in roobab saacado badan da'ayay ay saameyn ku yeesheen isku socodka gaadiidka balse dadka iyo duunyado ay aad ugu diirsadeen.

Roobabka oo ahaa kuwa watay Gugagax iyo Biriq ayaa biya dhigay dhul baaxad leh meelaha ugu roobka badan waa gobollada Galguduud,Mudug iyo Hiiraan halkaas oo roobabku saacado badan si xariir ah uga da'ayeen.

Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa la sheegay in Roobabka oo ahaa bilaaw ay ka da'een deegaanno jilaal daran uu ka jiray bilihii lasoo dhaafay. dhanka gobolka Galguduud magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa la sheegay in wax kabadan 4 saacadood xiriir ah roobabku da'ayeen.


Dhanka Gobolka Mudug Roobku waa mid isku xiran waxaana kamid ah meelaha uu ka da'ay degmooyinka Xarardheere iyo Jowllo sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in Biyaha xareedda ay waranyihiin gudaha magaalooyinka  iyo dhammaan waddooyinka dhulka baadiyaha ah, dhanka gobolka Hiiraan Roobabka oo aan kala joogsi laheyn ayaa jaray qaar kamid ah waddooyinka sida uu soo sheegay wariye ku sugan Galbeedka gobolka.

Roobabka Xilliga Dayrta ayaa imaanaya waqti  laga baxay marxaladdii Jiilaalka, Gugii lasoo dhaafay ayaa si wanaagsan uga hooray dalka waxaana muuqata in Dayrtaan ay iyana noqon doonto xilli Barwaaqo ah insha'allaah oo  dadka iyo duunyadu ka manaafacaadsan doonaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items