Dagaallo Maalintii 3aad Ciidamada Itoobiya Ku Qabsaday Deegaanno Katirsan Hiiraan.

Sunday September 30, 2018 - 12:11:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Maalintii 3aad Ciidamada Itoobiya Ku Qabsaday Deegaanno Katirsan Hiiraan.

    Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo melleteri ay ka sameeyeen ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka dowladda Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore ciidamo katirsan Alshabaab
Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo melleteri ay ka sameeyeen ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka dowladda Jabuuti.


Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalada Beled Weyne iyo deegaanka Halgan ayaa sheegaya in dagaallo aad u culus ay maanta barqadii dib uga qarxeen, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weeraro jidgal ah u dhigay kolonyada ciidamada Xabashida Itoobiya.

Wariye Nuur Cali Warsame oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa soo sheegay in illaa laba dagaal ay qabsadeen ciidamada huwanta ah, dagaalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Burdaar halkaas oo lagu helay ciidamo Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan isugu jira.


Saacad kadib markii habqanka ciidamada Xabashida uusoo gaaray deegaanka Nuur Fanax ayuu qabsaday dagaal muddo socday, dad xoola dhaqata ah oo ku sugan dhulka lagu dagaallamayo ayaa soo sheegay in ay maqlayaan hugunka rasaasta iyo daryanka madaafiicda oo labada dhinac isdhaafsanayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waxyeello xooggan lagaarsiiyay qaar kamid ah gaadiidka ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti, xoogaga Al Shabaab ayaa dagaalka Jabhadeyska halista badan kula jira kolonyo melleteri oo shalay kasoo baxday dhanka magaalada Beled Weyne kunasii jeedda deegaanka Halgan halkaas oo ay muddo kabadan sanad ku go'doonsanyihiin cutubyo Itoobiyaan ah.

Ciidamada Jabuuti ee Xabashida ku wehlinaya socdaalka sahay gudbinta ayaa wata 10 gaari oo nuuca dagaalka ah sidoo kale waxaa kolonyada cadawga wadajirka ah qeyb ka ah maleeshiyaad Soomaali ah oo aan badneyn.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Huwanta ah oo wata Meydad iyo dhaawacyo kasoo gaaray dagaalladii shalay iyo maanta ay ku hakadeen Nuur Fanax waxaana lafilayaa in socodkooda ay sii wataan maalin kadib, caqabadda ugu daran ee heysta ciidamadan ayaa ah weerarada Jidgalka ah ee uga imaanaya shabaabul Mujaahidiin

Waa Maalintii labaad xiriir ah oo ay ciidamada huwanta ah weeraro dhabbagal ah ku wajahayaan wadada laamiga ah ee gobolka Hiiraan, shalay ayay aheyd markii ay lakulmeen weeraro dhabbagal ah iyo qaraxyo khasaara dhaliyay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items