Ciidamada Al Shabaab Oo la wareegay Deegaanka Goof Guduud Buureey ee duleedka Magaalada Baydhabo.

Monday October 01, 2018 - 08:06:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo la wareegay Deegaanka Goof Guduud Buureey ee duleedka Magaalada Baydhabo.

    Wararka nagasoo gaaray gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay si nabad gelya ah kula wareegeen gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka nagasoo gaaray gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay si nabad gelya ah kula wareegeen gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah.

Saaka aroortii hore ayay cutubyo katirsan ciidamada wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool waxay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 Km ujira magaalada Baydhabo.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa soo sheegay in wax dagaal ah aysan ka dhicin deegaanka kadib markii ay ciidamadii maamulka Koonfur galbeed ay isaga carareen saldhigyadii melleteri oo ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xoogaga Al Shabaab ay daabusheen dhammaan saadkii ciidan ee yiillay saldhigyada Melleteri oo ay ka firxadeen ciidamada maamulka 'Koonfur Galbeed'.

lasoco Faah Faahin dheeri ah insha'Allaah

Related Items