Dagaallo Maalintii Afaraad Oo Xiriir Ah Ciidamada Itoobiya Ku Qabsaday Gobolka Hiiraan.

Monday October 01, 2018 - 11:35:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Maalintii Afaraad Oo Xiriir Ah Ciidamada Itoobiya Ku Qabsaday Gobolka Hiiraan.

    Dagaallo ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Beled Weyne iyo Buula Burde ayaa sheegaya in halkaas dagaallo culus ku dhaxmareen ciidamada Xabashida Itoobiya iyo xoogaga Al Shabaab.

Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan ayaa maanta barqadii laga maqlay inta u dhaxaysa deegaannada Nuur Fanax iyo Garisyaano oo dhammaantood kuyaal wadada laamiga ah.

Xoogaga Al Shabaab ayaa weeraro dhabbagal ah u dhigay habqanka ciidamada huwanta ah ee isugu jira Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan, wariye ku sugan Hiiraan wuxuu soo sheegay in ciidamada shisheeye ay laba weerar dhabbagal ah ku dhaceen.


Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxyo is xigxigay ay lakulmeen gaadiidka ciidamada Itoobiya ka hor intii uusan dagaalku bilaaban, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo sheegayaa in ciidamada huwanta ah uu kasoo gaaray dagaalkii maanta.

Waa maalintii Afaraad xiriir ah oo weeraro jidgal ah ay wajahayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti kuwaas oo maalintii Sabtiga saad melleteri kasoo gelbiyay Beled Weyne kunasii jeeda dhanka deegaanka Halgan ee wadada laamiga ah ku teedsan.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items