Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Muqdisho Lagula Beegsaday Saraakiil Katirsan Midowga Yurub.

Monday October 01, 2018 - 13:09:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax Muqdisho Lagula Beegsaday Saraakiil Katirsan Midowga Yurub.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar Naf hurnimo oo saraakiil caddaan ah lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar Naf hurnimo oo saraakiil caddaan ah lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay sheegtay in dagaalyahan Naftiis hure ah uu gaari Miinaysan ku dhuftay kolonyo gaadiid ah xilli ay  marayeen meel ku dhow wasaaradda Gaaashaandhigga.

"Mujaahidiinta ayaa howlgal istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan saliibiyiinta Midowga Yurub xilli ay marayeen agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho khasaaraha cadowga gaarayna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa Haddii Alle idmo" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.


Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax aad u xooggan kadibna ay arkeen gaadiid ku gubanaya goobta qaraxu ka dhacay, ciidamo katirsan dowladda Federaalka ayaa rasaas furay markii uu qaraxu dhacay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in gaariga miinaysan uu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay saraakiil katirsan dowladda Talyaaniga kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay xarunta wasaaradda G/dhigga kulamo kulalahaa mas'uuliyiin katirsan DF-ka.

lasoco wixii soo kordha insha'allaah

Related Items