Sheekh Abuu Muscab "Afar Sarkaal Talyaani Ah Ayaan Ku Dilnay Weerarkii Wadada Warshadaha Muqdisho Ka Dhacay" Dhageyso.

Monday October 01, 2018 - 18:16:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Abuu Muscab "Afar Sarkaal Talyaani Ah Ayaan Ku Dilnay Weerarkii Wadada Warshadaha Muqdisho Ka Dhacay" Dhageyso.

    Taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgal dhiigbadan ku daatay oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgal dhiigbadan ku daatay oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Al Shabaab ayaa shir Jaraa'id ku sheegay in qaraxii maanta ka dhacay wadada Warshadaha ay ku dileen 4 sarkaal caddaan ah oo katirsanaa Ururka Midowga Yurub.

"Muqdisho maanta camaliyad istish-haadi ah ayay Mujaahidiintu la eegteen kolonyo melleteri oo ka socotay waxa loogu yaqaan Midowga Yurub gaar ahaan Talyaaniga,kolonyadaas waxay mareysay Jidka warshahadaha halkaas ayuu mujaahid istish-haadi ah wuxuu beegsaday gaari kolonyadi katirsanaa dhammaan gaarigaas meeshaas ayuu cardiiqaha ku noqday oo wax dhaawac ah majiraan halkaas ayayna ku halaagsameen tirada ka dhimatay inta aan xaqiijinaya waa 4 sarkaal talyaani ah" ayu yiri Abuu Muscab.


Al Shabaab waxay ku eedaysay ciidamada dowladda Talyaaniga in ay tababar iyo taageero siinayeen  isbaheysiga AMISOM ee Soomaaliya kusoo duulay iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada Al Shabaab wuxuu shirkiisa Jaraa'id uga hadlay dagaallo maalmo qaatay oo ciidamada Xabashida Itoobiya ku qabsaday wadada laamiga ah ee Xiriirisa Beled Weyne iyo deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in ciidamada huwanta ah ay afar maalmood gudahood illaa 9 dagaal ku qaadeen islamarkaana ay gaadiid ka gubeen.

Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa'id ee Abuu Muscab MP3





Related Items