Dadkii Ku Dhintay Dhulgariirkii Indonesia oo Gaaray 1234 Qof.

Tuesday October 02, 2018 - 09:55:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii Ku Dhintay Dhulgariirkii Indonesia oo Gaaray 1234 Qof.

    Wadanka Indonesia waxaa sare usii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhulgariir laayaan ahaa oo maalmo ka hor ku dhuftay mid kamida Jaziiradaha ugu waaweyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Indonesia waxaa sare usii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhulgariir laayaan ahaa oo maalmo ka hor ku dhuftay mid kamida Jaziiradaha ugu waaweyn wadankaasi.

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka dalka Indonesia ayaa ku dhawaaqday in tirada dadkii ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay jaziiradda Sulawesi ay gaartay 1,234 qof walina ay socdaan dadaallada lagu baadi goobayo dad dhintay ama dhaawacmay.

Tobaneeyo kamid ah diyaaradaha qumaatiga ukaca ee dowladad Indonesia ayaa gurmad ufidinaya dadka ku waxyeeloobay musiibadii dhacday, Jaziiradda Sulawesi ayaa looga dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Magaalada Jakaarta ee caasimadda Indonesia ayay shacabka ku dhaqan bilaabeen in dhaqaale ay u aruuriyaan dadkii ku gurya beelay dhul gariirka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items