Saraakiil Burcad Ah Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Duleedka Degmada Cadale [Warbixin].

Tuesday October 02, 2018 - 10:05:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Burcad Ah Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Duleedka Degmada Cadale [Warbixin].

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgal burcad sifayn ah oo ciidamada wilaayada islaamiga shabeelaha dhexe ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad degmada Cadale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawirka mid kamida saraakiishii shalay lagu dilay dagaalkii Burdacar
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgal burcad sifayn ah oo ciidamada wilaayada islaamiga shabeelaha dhexe ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad degmada Cadale.

Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab gaar ahaan kuwa Xisbada ay shalay weerar ku qaadeen dhowr isbaaro oo maleeshiyaad katirsan DF-ka ay dhigteen wadada marta xeebta gobolka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal culus uu labada dhinac ku dhaxmaray tuulada Burdacaar waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka.

Goob jooge ayaa
SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in dagaalkii shalay ay ka qeyb qaadanayeen sedax gaari Cabdi Bilayaal ah oo maamulka degmada Cadale uu gurmad ahaan ugu diray maleeshiyaadka isbaaraleyda ah basle dagaalka looga itaal roonaaday oo xalay maqribkii ay dib ugu laabteen Cadale iyagoo dhaawacyo sida.


Ugu yaraan 2 katirsan maleeshiyaadka DF-ka ee isbaaraleyda ah ayaa lagu dilay dagaalka waxaana kamid ahaa Nin Mooryaanimada caan ku ahaa oo lagu magacaabi jiray Hibaad Cali Dasar.

Sarkaalkan Burcadka ah ayaa ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Cadale uqaabilsanaa in uu ka ilaaliyo weerarada uga yimaada Al Shabaab isagoo qaab carratuur ah isbaarooyin udhigtay wadada xeebta ah halkaas oo uu gaadiidka dadweynaha uga qaadi jiray lacago baad ah isagoo wata maleeshiyaad hubeysan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Meydadka Askatii lagu dilay dagaalkii shalay lageeyay degmada Masaajid Cali Guduud ama Towfiiq waxaana hadda deggan xaaladda goobihii lagu dagaallamay oo ay ku suganyihiin ciidamada Xisbada wilaayada islaamiga Sh/dhexe.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items