Diyaarad uu leeyahay Ururka Midowga Yurub Oo Soo Gaartay Garoonka Muqdisho Si Ay U Qaado Saraakiishii Looga Dilay Weerarkii Shalay.

Tuesday October 02, 2018 - 11:16:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad uu leeyahay Ururka Midowga Yurub Oo Soo Gaartay Garoonka Muqdisho Si Ay U Qaado Saraakiishii Looga Dilay Weerarkii Shalay.

    Warar xog ogaal ah oo ay heshay SomaliMeMo ayaa sheegaya in goordhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ku soo degtay diyaarad ay leedahay midowga Yurub taas oo la filayo in ay qaaddo meydadka saraakiishii lagu dilay weerarkii ee maalintii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar xog ogaal ah oo ay heshay SomaliMeMo ayaa sheegaya in goordhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ku soo degtay diyaarad ay leedahay midowga Yurub taas oo la filayo in ay qaaddo meydadka saraakiishii lagu dilay weerarkii ee maalintii shaley ka dhacay magaalada Muqdisho.


Ilo wareedyo ayaa SomaliMeMo u sheegay in diyaaradu ay la socdaan saraakiil iyo shaqaale ka tirsan midowga gaalada Yurub islamarkaana lagu wado in ay qaaddo meydadka Saraakiil talyaani ah oo lagu dilay weerarkii shaley ka dhacay Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan midowga gaalada Yurub oo la socday diyaaradda ayaa sidoo kale xaqiijiyay imaanshaha diyaaradaas inkastoo ay ka gaabsadeen ujeedka imaanshahooda.


Bouk Bernes oo ah la taliye ka tirsan ciidamada badda ee midowga Yurub ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in isaga iyo koox ka tirsan midowga Yurub ay barqanimadii maanta kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo la socda diyaarad ay leedahay midowga Yurub balse ma uusan sheegin ujeedka socodkooda.

Ilo wareedyadu waxay noo sheegeen in diyaarada la filayo in saacadaha soo socda ay ka ambabaxdo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale midowga Yurub ayaa cambaareeyey weerarkii maalintii shalay ciidankooda lagula eegtay magaalada Muqdisho iyagoona tilmaamay in weerarkaas uu qeyb ka ahaa dadaallada lagu doonayo in lagu xagaldaaciyo ololaha ay la garab taagan yihiin DFS iyo isbaheysiga AMISOM.

Dagaalyahan katirsan Xarakada Mujaaahidiinta Al-Shabaab ayaa maalintii shaley weerar halyeeynimo ku qaaday kolonyo ay la socdeen saraakiil iyo tababareyaal ka tirsan midowga Yurub xilli ay ka soo baxeen dhismaha wazaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, Isagoona halkaas ku dilay ugu yaraan afar sarkaal oo ka soo jeeda wadanka Talyaaniga.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items