Al Shabaab Oo Si Buuxda Umaamulaya Deegaanka Goofguduud Buureey Ee Gobolka Bay.

Tuesday October 02, 2018 - 11:44:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Si Buuxda Umaamulaya Deegaanka Goofguduud Buureey Ee Gobolka Bay.

    Xaalad deganaan ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Goofguduud Buureey ee dhaca duleedka magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad deganaan ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Goofguduud Buureey ee dhaca duleedka magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.


Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay markale la wareegeen gacan ku heynta deegaanka kadib markii ay isaga baxeen maleeshiyaadkii maamulka Koonfur galbeed iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay gelinkii dambe gaaray.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in xoogaga Al Shabaab ay isku fidiyeen xaafadaha deegaanka Goofguduud ayna baaritaanno ka sameeyeen saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed.


Boqolaal qof ayaa maanta barqadii isugusoo baxay deegaanka Goofguduud waxayna dhageysanayeen Muxaadaraad ay jeedinayeen saraakiisha ciidamada Al Shabaab ee magaalada qabsaday, shalay ayay aheyd markii ay sidaan oo kale ciidamada wilaayada Islaamiga ah Bay iyo Bakool uqabsadeen deegaanka.

Goofguduud Buureey ayaa qiyaastii 30Km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Baydhabo waxaana marta wadada isku xirta Gobollada Bay iyo Bakool, Alshabaab ayaa sanad ka hor sidaan oo kale ula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Goofguduud Shabeeloow oo Baydhabo aan sidaas uga fogeyn.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items