Saldhigga Ciidanka KDF Ee Gobolka Lamu Oo Weerar Madaafiic Ah lakulmay.

Tuesday October 02, 2018 - 20:31:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidanka KDF Ee Gobolka Lamu Oo Weerar Madaafiic Ah lakulmay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar hubeysan ku qaadeen mid kamida saldhigyada Melleteri ee ay ku suganyihiin ciidamada wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore weerar ka dhacay Lamu
Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar hubeysan ku qaadeen mid kamida saldhigyada Melleteri ee ay ku suganyihiin ciidamada wadankaasi.


Xalay saqdii dhexe ayay Al Shabaab duqeyn ba'an ku qaadday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Mararaani oo katirsan gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen holac ka baxaya saldhigga weerarka madaafiicda ah lagu qaaday waxaana laga yaabaa in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay duqeynta.

Dhinaca kale war kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka madaafiicda ah ee lagu beegsaday saldhigga ciidanka KDF sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo, Muqdisho
[email protected]

Related Items