Mas'uul katirsanaa Maamulka Degmada Ceelwaaq Oo isku Dhiibay Al Shabaab.

Wednesday October 03, 2018 - 20:27:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul katirsanaa Maamulka Degmada Ceelwaaq Oo isku Dhiibay Al Shabaab.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in mas'uul katirsanaa dowladda Federaalka uu isku dhiibay Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in mas'uul katirsanaa dowladda Federaalka uu isku dhiibay Xarakada Al Shabaab.

Maanta gelinkii dambe ayaa Maxkamadda islaamiga degmada Ceelcadde lagusoo bandhigay Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ahaa madaxii Garsoorka maamulka degmada Ceelwaaq.

Mas'uulka isku dhiibay Al Shabaab ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in uu ka towbadkeenay la shaqeynta ciidamada Kenya iyo dowladda Federaalka uuna diyaar u yahay in uu shacabka Gedo ee caadiga ah kamid noqdo.

Madaxii Garsoorka degmada Ceelwaaq ayaa ka sheekeeye dhibaatooyinka baaxadda leh ee ciidamada gummeysiga Kenya ku hayaan shacabka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanno katirsan Gedo.


Askar iyo saraakiil katirsan DF-ka ayaa bilihii lasoo dhaafay isku dhiibayay maamullada islaamiga ah ee dhaca gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee dalka Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items