Al Shabaab Oo Weerar Hubeysan Ku Qaadday Saldhig kuyaal Deegaanka Kulbiyoow.

Thursday October 04, 2018 - 11:19:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Hubeysan Ku Qaadday Saldhig kuyaal Deegaanka Kulbiyoow.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ballaaran ah ku qaaday saldhiga maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' ay ku leeyihiin gudaha deegaanka kulbiyoow ee kaabiga ku haya xad-beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ballaaran ah ku qaaday saldhiga maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' ay ku leeyihiin gudaha deegaanka kulbiyoow ee kaabiga ku haya xad-beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.


 

Wararka ka imaanaya cirifka fog ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in Al Shabaab marqura ay weerar ku kadiyeen maleeshiyaadka ku sugan saldhigga deegaanka kulbiyoow.

 

Dagaal muddo socday oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goobtaas ku dhex maray labada dhinac Waxaana dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen in ay maqlayeen daryanka hubka loo adeegsanayay dagaalka iyo ciidamada Al Shabaab oo Takbiirsanaya.



 

Ciidamada melleteriga Kenya ee fariisinka ku leh afaafka hore ee magaalada ayaanan wax gurmad ah usameey maleeshiyaadka caro tuurka u ahaa ee uu weerarku qabsaday, waxayna si indha la'aan ah u ridayeen madaafiic aan hadaf lahayn oo ay ka soo tuurayeen saldhigooda.

War kasoo baxay Al Shabaab ayay ku xaqiijisay in ciidamadeedu gudaha ugaleen deegaanka Kulbiyoow islamarkaana ay halkaas dagaal culus kula galeen ciidamada maamulka 'Jubbaland isku magacaabay.

"Saraakiisha mujaahidiinta ayaa idaacada islaamiga andalus u sheegay in weerarkii xalay khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka murtadiinta. Waxaana dagaalkii xalay ku baqtiyay hal askari. Halka mid kalana u dhaawac halis ah soo gaaray" ayaa lagu yiri ay baahisay Andalus.

 

 

Weerarkan ayaa ku biiraya howlgallada isdaba joogga ah oo ciidamada wilaayada Islaamiga jubbooyinka ka wadan goobaha fara ku tiriska ah ee ciidamada gummeysiga Kenya iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay kaga sugan yihiin deegaanno Jubbada Hoose katirsan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay dib uga gurteen deegaanka Kulbiyoow kadib markii ay weerar arbushaad ah ugeysteen ciidamadii halkaas ku sugnaa.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items