Diyaaradaha Mareykanka Oo Duqeymo Ka Geystay Deegaano Horleh Oo Ka Tirsan Gobolka Gedo (SAWIRO)

Thursday October 04, 2018 - 14:15:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Mareykanka Oo Duqeymo Ka Geystay Deegaano Horleh Oo Ka Tirsan Gobolka Gedo (SAWIRO)

    Diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay inuu leeyahay Mareykanka ayaa xaley duqeymo wuxuushnimo ka geystay xaafado ka tirsan degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, iyadoona duqeymahaas ay geysteen khasaare xoogan oo u badan burbur hanti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay inuu leeyahay Mareykanka ayaa xaley duqeymo wuxuushnimo ka geystay xaafado ka tirsan degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, iyadoona duqeymahaas ay geysteen khasaare xoogan oo u badan burbur hanti.


Duqeynta ugu xoogan ayaa ka dhacday xaafadda loo yaqaano Makka ee caanka ku ah 'Qansax Oomane' halkaas oo ay diyaarado ku garaaceen dhowr gantaal.

Inkastoo duqeyntu ay ahayd mid xooggan oo socotay muddo saacado ah sida ay dadka deegaanku sheegeen, hadana Allaah fadligii khasaaruhu waa mid aad uga yar sida la filayey.

Ma jiro khasaare dhimasho oo soo gaaray dadka deegaanka, waxaase jira burbur xoogan oo soo gaaray dhismayaasha ku yaalla xaafadda la beegsaday.


Dadka deegaanka ayaa guryahooda isaga kala cararay durbaba markii ay maqleen jugtii ugu horeysay, waxaana la sheegay in guryaha la beegsaday iyadoo ay inta badan dadkii daganaa ka kala tageen.

Dadka ugu badan ee ku dhaawacmay duqeynta waa dumar iyo caruur kuwaas oo hadda lagula tacaalayo goobo caafimaad oo ku yaalla magaalada Ceel-Cadde.

Duqeynta waxaa geystay diyaarado dagaal oo uu leeyahay Mareykanka inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay military-ga Mareykanka.

Mareykanka ayaa mudooyinkii la soo dhaafay kordhiyey duqeymaha wuxuushnimo ee sida indha la'aanta ah u beegsanaya dadka rayidka ah tan iyo markii talada dalkaas la wareegay hogaamiyaha cunsuriga ah ee Trump, waxaana xusid mudan sidan oo kale ay dhawaan diyaaradahooda u duqeeyeen degmada Saakoow, halkaas oo ay ku burburiyeen isbitaalkii degmada, iyo madaraso diini ah oo ku taallay degmadaasi.

Halkaan Ka Daawo Sawirada Burburka Ka Dhashay Duqeyntii Ceel-Cadde




















SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items