Xisbigii Ugu Weynaa Ee Mucaarad Ku Ah Dowladda Farmaajo Oo Muqdisho looga dhawaaqay.

Thursday October 04, 2018 - 19:44:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbigii Ugu Weynaa Ee Mucaarad Ku Ah Dowladda Farmaajo Oo Muqdisho looga dhawaaqay.

    Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayay hal xisbi ku sameysteen qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta iyo xidlhibaannada Mucaaradsan dowladda Farmaajo madaxda ka yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayay hal xisbi ku sameysteen qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta iyo xidlhibaannada Mucaaradsan dowladda Farmaajo madaxda ka yahay.

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay munaasabaddii looga dhawaaqayay Xisbiga loogu magac daray UPD oo uu guddoomiyaha uyahay Xasan Gurguurte madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka.

Bayaan loo qeybiyay kasoo qeyb galayaasha kulankii maanta ayaa lagu sheegay in inkabadan 20 xildhibaan ay Xisbigan Xubno ka yihiin waa isku taggii ugu weynaa ee mucaaradsan dowladda Farmaajo oo Muqdisho kulan ku qabsada.

Tan iyo markii ay Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre hoggaanka uqabteen dowladda Federaalka Soomaaliya ayay la kulmayeen mucaaradad xooggan oo uga imaanaysa siyaasiyiin xildoon ah iyo xildhibaanno.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items