Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Qarxiyay Wadada Xiirisa Deegaanka Halgan iyo Buulda Barde.

Thursday October 04, 2018 - 20:01:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Qarxiyay Wadada Xiirisa Deegaanka Halgan iyo Buulda Barde.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara badan dhaliyay lagu weeraray ciidamo itoobiyaan iyo Jabuutiyaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara badan dhaliyay lagu weeraray ciidamo itoobiyaan iyo Jabuutiyaan ah.

Qaraxyo is xigxigay oo maanta gelinkii dambe ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa deegaanka Halgan iyo degmada Buula Burde ayaa sababay khasaara lixaad leh.

Sida ay wararku sheegayaan kolonyo ciidamo ah oo saaka ka amba baxay Halgan ayaa qarax lagula helay meel aan deegaanka sidaas uga fogeyn, wariye ku sugan Hiiraan ayaa soo sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen ciidamo Itoobiyaan u badan.

Gaadiid Ambalaas ah ayaa goobta qaraxyada ka qaaday dhimasho iyo dhaawac waxayna geeyeen dhanka deegaanka Halgan, diyaarad kasoo kicitintay dhanka magaalada Beled Weyne ayaa daabushay Meydad iyo dhaawacyo.


Wararka ayaa intaas ku daraya in saacad kadib markii dhaawacyada laga qaaday goobtii qaraxyadu ka dhaceen qarax kale lala eegtay isla ciidamadii huwanta ahaa ee dhanka Buula Barde ujiheystay waxayna degeen goobtii qaraxa lagula eegtay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ayaa weeraro dhabbagal ah iyo qaraxyo ku wajahaya wadada laamiga ah ee gobolka Hiiraan tan iyo Jimcihii lasoo dhaafay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items