Qaraxyo gaari looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay degmada Huriwaa ee waqooyiga magaalada Muqdisho

Friday October 05, 2018 - 12:21:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo gaari looga gubay ciidamada AMISOM oo ka dhacay degmada Huriwaa ee waqooyiga magaalada Muqdisho

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qaraxyo aad u xooggan oo ka dhacay halka loo yaqaan Ex.control Balcad ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qaraxyo aad u xooggan oo ka dhacay halka loo yaqaan Ex.control Balcad ee magaalada Muqdisho.


Goob Joogayaal ayaa sheegay in qaraxyada lagu beegsaday kolonyo ciidamo Burundi ah oo kusii jeeday dhanka gobolka Shabeelaha Dhexe.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku gubanayay gaari gaashaaman nuuca loo yaqaan Taawga waxaana larumeysanyahay in ciidamo farabadan ay ku dhinteen.

Xaralada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha badan dhaliyay sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Wararka ayaa intaas ku daraya in markii qaraxu dhacay kadib lamaqlay rasaas xooggan oo ay furayeen ciidamada AMISOM ee la weeraray.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items