Bin Salmaan "Waa in Aad Aqbashaa Dhaleecaynta Kaaga Imaanaysa Saaxibkaa".

Saturday October 06, 2018 - 09:26:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bin Salmaan "Waa in Aad Aqbashaa Dhaleecaynta Kaaga Imaanaysa Saaxibkaa".

    Wasiirka difaaca ahna dhaxal sugaha Sacuudiga Max'med Bin Salmaan ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Erayo ihaana ah oo maalmihii lasoo dhaafay Donald Trump ujeedinayay boqorka Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka difaaca ahna dhaxal sugaha Sacuudiga Max'med Bin Salmaan ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Erayo ihaana ah oo maalmihii lasoo dhaafay Donald Trump ujeedinayay boqorka Sacuudiga.



Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in wax dhib ah aysan u arkin hadalladii Trump ee uu ku sheegayay in lacago Balaayiin dollar ah ay xukuumadda Riyadh uga bedeshaan ciidamada Americanka ah ee ilaaliya.

isagoo wareysi siinayay wakaaladda Bloomberg ee Mareykanka laga leeyahay ayuu ku sheegay in warka Trump kasoo yeeray uu yahay mid saaxiibtinimo "waa in aad aqabashaa dhaliisha kaaga imaanaysa saaxiibkaa" ayuu yiri Max'med Bin Salmaan.



Mar wax laga weydiiyay sababta ay cilaaqaadka ugu jareen dowladda Canada oo dhaleecaysay saxafiyiinta sacuudigu xirayo islamarkaana ay xiriirka ugu jari waayeen mareykanka ayuu sheegay in labada dhinac farqi udhaxeeyo.

Warka kasoo yeeray dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa umuuqday mid muujinaya sida hoggaamiyaasha Sacuudiga ugu caynsanyihiin Mareykanka iyo xulufadiisa.

Isbuucii lasoo dhaafay hadallo uu Donald Trump jeediyay ayuu ku sheegay in Boqorka Sacuudiga ay si sandulle ah lacago Boqolaal Milyan oo dollar ah uga qaataan sababtoo ah Dowladda Sacuudiga majiro karto ayuu yiri wax ka badan 2 isbuuc haddii aysan heysan ilaalinta ciidanka Mareykanka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items