Taliye Katirsan Taliska Ciidanka DF Oo Kamid Noqday Askar ku dhintay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Jaziira.

Saturday October 06, 2018 - 13:18:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Katirsan Taliska Ciidanka DF Oo Kamid Noqday Askar ku dhintay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Jaziira.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro siyaaba kala duwan shalay uga dhacay deegaan kala qeybiya gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari lagu qarxiyay sh.hoose
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro siyaaba kala duwan shalay uga dhacay deegaan kala qeybiya gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Jaziira ayaa sheegaya in weerar dhabbagal ah loo dhigay ciidamo katirsan dowladda Federaalka oo ka amba baxay Muqdisho kunasii jeeday dhanka magaalada Marka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari Cabdi Bile ah ay dagaalyahannada Al Shabaab laheleen Garneel nuuca garbaha laga gemo ah halkaas oo uu ku gubtay.

Dhamaan ciidamadii saarnaa gaariga ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday gaariga,sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Axmed Caal ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa askartii ku dhintay weerarkii ka dhacay duleedka deegaanka Jaziira.


Xoogaga Al Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay isku fidiyeen deegaannada kala qeybiya Magaalada Marka iyo deegaanka Jaziira waxaana aad u adag in ciidamada dowladda ay saad isugu gudbiyaan wadada dhanka xeebta marta.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items