Ciidamo American Ah iyo kuwa Afghanistaniyiin Ah Oo Ku Dagaallamay Galbeedka Afghanistan.

Saturday October 06, 2018 - 18:32:40 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo American Ah iyo kuwa Afghanistaniyiin Ah Oo Ku Dagaallamay Galbeedka Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afganistan ayaa sheegaya in iska hor imaad xooggan uu maanta barqadii dhexmaray Askarta Mareykanka iyo Maleeshiyaad katirsan ciidanka xukuumadda Kabuul kadib markii Americanku ay toogteen wiil uu dhalay taliye Amni oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afganistan ayaa sheegaya in iska hor imaad xooggan uu maanta barqadii dhexmaray Askarta Mareykanka iyo Maleeshiyaad katirsan ciidanka xukuumadda Kabuul kadib markii Americanku ay toogteen wiil uu dhalay taliye Amni oo horey uga katirsanan jiray ciidanka xukuumada afganistaan.


Iska hor imaadka ayaa ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaya ee magaalada Tarinkoot oo ah caasimada gobolka Rozjan, wuxuuna yimid markii ciidanka Mareykanka ay dileen wiil lagu magacaabo Axmadulaah oo uu dhalay taliyihi hore ee Amniga magaalada Tarinkoo, oo isna horey ciidanka mareykanka ay u dileen dhowr sano ka hor.

Inta la xaqiijiyey illaa 3 askari oo katirsan ciidanka Mareykanka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday iska hor imaadkii saaka ka dhacay gudaha garoonka Tarinkoot kaas oo socday muddo ku dhow hal saac oo xiriir ah.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyada ladagaalantay ciidanka mareykanka ay qaraabo dhow la ahaayeen wiilka la dilay ee Axmadullaah, kuwaas oo ka carooday falka lagu dilay wiilkooda, isku dayo badan oo la doonayey in arrinka lagu xaliyana ay fashilmeen, intii iska hor imaadka uusan dhicin.

Ciidan katirsan Police-ka xukuumadda ayaa lagusoo warramayaa in ay goor dambe arrinta soo kala dhex galeen, kuwaas oo maleeshiyadii deegaanka meesha ka saaray,sidaasna uu jawigu ugusoo laabtay mid caadi ah.

Taliska ciidamada Mareykanka ee wadanka Afghanistan illaa iyo hadda wax war ah kama dhihin iska hor'imaadyada ay lagaleen ciidamada xukuumadd dabadhilifka Kaabuul, tobaneeyo askari American ah ayaa Afghanistan ugu dhintay Rasaas uga timid maleeshiyaadka dowladda.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items