Dhageyso:Xarakada Al-Shabaab Oo digniin culus u Jeedisay Dalladaha Waxbarashada Talooyinna Udirtay Shacabka Muqdisho.

Saturday October 06, 2018 - 19:56:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Xarakada Al-Shabaab Oo digniin culus u Jeedisay Dalladaha Waxbarashada Talooyinna Udirtay Shacabka Muqdisho.

    Iyadoo inta badan dalladaha waxbarashada ee ka dhisan magaalada Muqdisho ay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, ayaa waxaa arintaas digniin culus kasoo saaray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Cusub oo Sheekh Cali dheere laga qaadat 6 October 2018
Iyadoo inta badan dalladaha waxbarashada ee ka dhisan magaalada Muqdisho ay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, ayaa waxaa arintaas digniin culus kasoo saaray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.


Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere, Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo ka hadlayay munaasabad lacago sako ah lagu gudoonsiinayay boqollaal ruux oo reer Muqdisho ah ayaa ugu baaqay dalladaha waxbarashada iyo goobaha waxbarashada iney iska ilaaliyaan iney xiriir la sameeyaan dowladda Federaalka.

Wuxuu Sheekhu sheegay iney ka war hayaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen qaar kamid ah dalladaha waxbarasho ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in ciddii ku dhega la shaqeynta dowladda federaalka ay ka qaadi doonaan tallaabo cad oo waafaqsan Shareecada Islaamka.



Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali dheere wuxuu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay waxbarashada iyo duulaanka ay Shisheeyuhu ku qaadeen jaanibkaas, wuxuuna sheegay in iskuullada iyo Jaamacadaha ay yihiin goobo muhiim ah oo wax lagu baro ubadka, ayna waajib tahay in laga ilaaliyo wax weliba oo wasakheyn kara Caqiidada umadda muslimka ah.

 Manaahijta Khaldan ee Waxbarashada

Hay’adda UNESCO ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha waxbarashada ayuu Sheekh Cali dheere soo hadal qaaday, isagoona sheegay in Mujaahidiintu ka war hayaan manaahijta waxbarasho ee ka hor imaanaya diinta islaamka ee hay’adaas ay faafiso, tallaabo adagna ay ka qaadi doonaan.

Hadalka kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli dalladaha waxabarasho ee magaalada Muqdisho ay ardeyda u dhigaan manhaj ka hor imaanaya diinta Islaamka oo ay soo diyaarisay hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay.

XARUMAHA FISQIGA

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale digniin culus u jeediyay xarumaha caanka ku ah fisqiga siiba kuwa ku teedsan xeebta Liido isagoo sheegay inaan loo dul qaadan karin fasaadka kusoo kordhay magaalada Muqdisho.

Culimada, wax garadka iyo cid kasta oo kalain ka geysan karta la dagaalanka fisqiga ayuu kula taliyay ineysan ka aamusin xumaha bannaanka yaalla ee ummada dhaqankeeda lagu doorinayo, wuxuuna sheegay haddii aanan xumahan laga hor tagin inuu noqon doono mid ummada oo dhan camima ama saameyn ku yeesha.

 


Halkan ka dhageyso Kalimadda Sheekh Cali Dheere MP3

Related Items