Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Jaziira.

Sunday October 07, 2018 - 16:08:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 5 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Jaziira.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar dhiig badan ku daatay ka fuliyay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar dhiig badan ku daatay ka fuliyay deegaan kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.



Weerarkan dhabba galka ah waxay ciidamada Al Shabaab u dhigeen maleeshiyaat ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku socdaalayay agagaarka deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Kamiinkan ayaa khasaara kala duwan lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka dowladda sida ay sheegayaan dadka deegaanka ,war kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay ku dileen ugu yaraan 5 askaru " Mujaahdiiinta ayaa weerar  dhabbagalah ku diay Shan askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Kooxda Ridada Soomaaliya kuwaasi oo meydadkooda looga cararay  goobta kamiinka uu ka dhacay" ayaa lagu yiri war lagasii daayay idaacadda Andalus.



Weerarkan ayaa imaanaya xilli  ciidamada Al Shabaab ay sii kordhiyeen weerarada ay ka kala fuliyaan gudaha iyo duleedka Muqdisho waxaana xusid mudan  in Todobaadyadii u dambeeyay weeraro si xiriir ah uga dhacay agagaarka deegaanka Jaziiro alagu dilay  saraakiil iyo askar fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda  waxeyna ku gubeen gaadiid dagaal.

Habeenkii xalay qarax ka dhacay xero ciidan oo ku taala degmada Hodan ee Muqdisho lagu dilay Afar askari oo katirsan ciidamada dowladda sidoo kale qarax ka dhacay degmada Afgooye waxaa ku dhaawacmay tiro askar ah.

Jeneraal caanood ayaa bishii lasoo dhaafay sheegay in ciidamadiisu ay qabsadeen magaalada Xeebta leh ee Marka islamarkaana ay isku furayaan wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo gobolka shabeellaha Hoose intiisa kale.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items