Markii Ugu Horraysay Idaacadda Al Shabaab oo Mukhtaar Rooboow Ku Tilmaamtay 'Murtad' [Dhageyso].

Monday October 08, 2018 - 12:26:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Markii Ugu Horraysay Idaacadda Al Shabaab oo Mukhtaar Rooboow Ku Tilmaamtay 'Murtad' [Dhageyso].

    Markii ugu horraysay Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay tallaabada uu Mukhtaar Roobow isugusoo sharraxay xilka madaxtinimada maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay tallaabada uu Mukhtaar Roobow isugusoo sharraxay xilka madaxtinimada maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Warbaahinta Rasmiga ah ee ku hadasha Afka Xarakada ayaa bilaawday in ay warbixinno ka sameyso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Rooboow uu kawado magaalada Baydhabo.

Idaacadda Andalus ayaa xalay baahisay warbixin ku saabsan dadaallada uu Mukhtaar Rooboow ku doonayo in uu kula loolamo Shariif Sakiin, Warbixinta ayay Al Shabaab u adeegsatay Erayga "Murtad Mukhtaar Rooboow"!.

Mukhtaar Rooboow ayaa markii uu ahaa Afhayeenka Al Shabaab madaxda dowladda Federaalka ugu yeeri jiray murtadiin maadaama ay gacal ka dhigteen ciidamada shisheeye ee Kirishtaanka ah sida Uganda, Burundi iyo Kenya balse isaga ayaa  intaas oo dhan kasii dheereeye wuxuuna ku hoos jiraa taliska ciidamada Xabashida Itoobiya ee gobollada Bay iyo Bakool.


Waxaa muuqata in wixii uu ka aaminsanaan jiray madaxda dowladda isagana hadda laga aaminay kadib markii uu utafa xaytay hoggaaminta maamul dabadhilifka uuna galay xeryaha ciidamada Shisheeye.

Halkan ka degso Warbixinta Andalus ay ka diyaarisay Mukhtaar Rooboow MP3

isha maqalka: Idaacadda Andalus






Related Items