Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Oo Ka Walaacsan Dhac iyo Boob lagu Hayo Hantidooda.

Monday October 08, 2018 - 10:54:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Oo Ka Walaacsan Dhac iyo Boob lagu Hayo Hantidooda.

    Kadib kulan ballaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiyada ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayay walaac uga muujiyeen xaaladda ammaan ee suuqa iyo boobka lagu hayo hantidooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan ballaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiyada ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayay walaac uga muujiyeen xaaladda ammaan ee suuqa iyo boobka lagu hayo hantidooda.



Ganacsatada Suuqa ugu weyn Soomaaliya waxay sheegeen in ciidamo katirsan dowladda ay boob ku hayaan goobaha ganacsiga ayna adagtahay in suuqu sii shaqeeyo haddii aan la joojin burcadda hubeysan ee dhaca geysanaysa.

inkastoo ganacsatadu sababa ammaan aawgeed ay uga gaabsadeen in ciidamada dowladda Federaalka ay ku eedeeyaan bililiqada lagu hayo hantidooda hadane waxay falalka ku eedeynayeen wax ay ugu yeereen "Dad ku labisan dareeska ciidanka'.



Waxa ay sheegeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay bil walba lacago Malaayiin dollar ah Canshuur ahaan ay usiiyaan dowladda Federaalka hasa ahaatee dowladu dhankeeda gabtay in ay ilaaliso amaanka Suuqa iyo nolosha ganacsatada taas bedelkeedna ay ciidamo dhac ugeysanayaan.

Gudoomiyaha Ganacastada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in ammaanka Suuqa Bakaaraha uu sii xumaaday, waxa uuna sheegay in ganacsatada mar waliba wajahayaan dhac ,boob iyo cabsi galin ay kala kulmayaan kooxo burcada ah.

Marka lagasoo tago lacagaha badda ah ee ciidamadu ka qaataan goobaha ganacsiga waxaa jira falal burcadnimo oo xilliga habeenkii ah lagula kaco dukaamada iyo bakhaarrada, habeennadii dambe waxaa bakaaraha kusoo badanayay ciidamo Moobiilo iyo qalabyo ellektarooni ah dukaamada kala baxaya.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items