Baarlamaanka Masar oo soo jeediyay in la xiro Dugsiyada Qur'aanka ee ku yaalla Wadankaas.

Monday October 08, 2018 - 10:54:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Masar oo soo jeediyay in la xiro Dugsiyada Qur'aanka ee ku yaalla Wadankaas.

    Soo jeedintan oo ay aad uga yaabeen dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka Masar ayaa waxaa xillibaanada soo jeediyay kamid ah xillibaan Maxmuud Badar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soo jeedintan oo ay aad uga yaabeen dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka Masar ayaa waxaa xillibaanada soo jeediyay kamid ah xillibaan Maxmuud Badar.


Xillibaannada ayaa dugsiyada Quraanka lagu barto ku sheegay meel laga soo saaro waxay ugu yeereen xagjirnimada, iyagoona usoo jeediyay wasaaradaha howshoodu tahay arimahaas iney albaabada isugu laabaan dugsiyadaas.

Qoraalka ay soo saareen xillibaanadan katirsan baarlamaanka wadanka Masar waxay ku sheegeen in manaahijta laga dhigo dugsiyadaas ay mamnuucayaan arimo badan oo ay igu u arkaan xalaal, sida heesaha, isdhexgalka ragga iyo dumarka iyo arimo kale.



Arintan ayaa muujineysa dagaalka lagu soo qaaday diinta islaamka iyo dadka muslimiinta ee kunool wadanka Masar, waxayna muujineysaa wejiga dhabta ah ee maamulka afgembiga uu hogaamiyo Siisi.

Xigasho: Idaacadda Alfurqaan

Related Items