Xildhibaannada Maamulka 'Hirshabelle' Oo ka Noday Mooshin ka dhan ahaa Waare.

Monday October 08, 2018 - 11:18:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Maamulka 'Hirshabelle' Oo ka Noday Mooshin ka dhan ahaa Waare.

    Maamulka isku magacaabay Hirshabeelle ayaa sheegay in uu xalliyay khalalaasa siyaasadeed oo ka dhax oognaa maalmihii lasoo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore Waare iyo saraakiisha AMISOM oo Jowhar ku sugan
Maamulka isku magacaabay Hirshabeelle ayaa sheegay in uu xalliyay khalalaasa siyaasadeed oo ka dhax oognaa maalmihii lasoo dhaafay.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Sh/dhexe ayaa sheegaya in kulamo isdaba joog ah ay dhaxmareen mas'uuliyiinta ugu sarraysa maamulka 'Hirshabelle' waxaana kulamadaas looga arrinsanayay khilaafka hareeyay maamulka.

Max'med Cabdi Waare oo safar dhanka cirka ah uga yimid magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu lacago laaluush ah ku kala furfuray xildhibaanno ku kacsanaa maamulkiisa, illaa 50 xildhibaan ayaa laba maalin ka hor sheegay in ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Waare.


Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo ku magacaaban guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaannadii mooshinka keenay ay dib uga laabteen wuxuuna ugu baaqay Waare in uu shaqadiisa sii wato.

Maamulka Fadhiidka ah ee xarunta ka dhigtay magaalada Jowhar waxaa hareeyay khilaafaad daakhili ah iyo Faragelinta ay ku heyso dowladda Federaalka wuxuuna dhowaan shaaciyay in uu kasoo go'ay Golaha iskaadhiga Maamul goboleedyada ee sida aadka ah u khilaafsan Dowladda Farmaajo.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items