Cabdi ileey Oo Markale Kasoo Muuqday Maxkamadda Addis Ababa.

Monday October 08, 2018 - 12:22:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi ileey Oo Markale Kasoo Muuqday Maxkamadda Addis Ababa.

    Waxaa markale maxkamad kutaal magaalada Addis Ababa lasoo taagay Cabdi ileey oo ah hoggaamiyihii hore ee maamulka dhulka Somaligalbeed ee Xabashida Itoobiya taabacsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa markale maxkamad kutaal magaalada Addis Ababa lasoo taagay Cabdi ileey oo ah hoggaamiyihii hore ee maamulka dhulka Somaligalbeed ee Xabashida Itoobiya taabacsan.

Wararka ka imaanaya Addis Ababa ayaa sheegaya in Cabdi ileey Maxkamadeyntiisa ay goob joog ka yihiin qaar kamid ah ehelladiisa iyo dad uu horay dhibaata ugu geystay, ciidamo isugu jira Boolis iyo Melleteri ayaa adkeeyay ammaanka goobta Maxkamadeyntu ka socoto.

Dacwadda lagusoo oogay Cabdi ileey waxaa kamid ah dilal,kufsi iyo Barakicin uu ka geystay dhulka Somaligalbeed sanadadii uu xukunka hayay, Ninkan ayaa dowladda Itoobiya ka codsaday in ay cafis u fidiso.


Mustaf Cagjar oo ah hoggaamiyaha cusub ee maamulka Somaligalbeed ayaa qoraal uu ku qoray bartiisa Facebook-ga wuxuu ku sheegay in Cabdi ileey uu wajahayo cadaalad balse ehellada dadkii uu dhibaateeyay Ninkan dambiilaha ah ayaa ka digay in maxkamadda Addis Ababa damiin kusii dayso.

Tacadiyada ugu daran ayuu Cabdi Maxamuud Cumar ka geystay Xabsiga Fadeexadda ku caanbaxay ee Jeel Ogaadeen halkaas oo dumar boqolaal ah lagu kufsaday laguna jirdilay kumanaan Maxaabiis ah oo ku eedeysnaa in ay kasoo horjeesteen nidaamkii kajiray magaalada Jigjiga.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items