Gaari Gaashaaman Oo Ciidamada AMISOM looga Gubay Deegaanka Gololeey Sh/dhexe.

Tuesday October 09, 2018 - 06:27:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Gaashaaman Oo Ciidamada AMISOM looga Gubay Deegaanka Gololeey Sh/dhexe.

    Qeybta Qaraxyada Xarakada Al Shabaab ayaa markale qarax ku beegsatay ciidamado katirsan AMISOM xilli ay ku socdaalayeen gobolka Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari AMISOM laga gubay
Qeybta Qaraxyada Xarakada Al Shabaab ayaa markale qarax ku beegsatay ciidamado katirsan AMISOM xilli ay ku socdaalayeen gobolka Shabeelaha dhexe.



Qarax xooggan ayaa lala beegsaday Kolanyo ka tirsan ciidamada Shisheeye oo ku socdaalayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.

Qaraxu wuxuu  sigaar ah uga  dhacay agagaarka deegaanka Golaleey ee hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhex iyadoona qaraxan khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada AMISOM  gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Burundi.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in qaraxa lagu burburiyay gaari Taw ah waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii la socotay gaariga Taw-ga ee qaraxu haleelay.



Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa sahay ciidan u geeyay ciidamada  Burundi ee ku sugan degmada Jowhar waxeyna ku sii jeedeen dhanka magaalada Muqdisho, waxaa xusid mudan in kolanyadan markii ay sahayda kasoo qaadayeen magaalada Muqdisho qaraxyo lagula beegsaday agagaarka isgoyska Ex-controol Balcad ee degmada Huriwaa qaraxaas oo looga gubay gaari Taw ah dhimasho iyo dhaawac ahna ay kaga noqdeen tiro askar Burundeys ah.

Miinooyinka dhulka lagu aaso ee lagu beegsadayo Kolonyada ciidamada shisheeye ayaa cuuryaamisay muhiimaddii laga lahaa duullaanka ay dowladda Xabashida Itoobiya iyo xulufadeeda kale ugusoo duuleen dalka Soomaaliya oo ahaa in ay qabsadaan magaalooyinka iyo deegaannada muhiimka ah ayna  shacabka Soomaaliyeed udiidaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items