Ciidamada Itoobiya Oo Qaraxyo lala Beegsaday Xilli Ay Ka Gudbeen Magaalada Buula Burde.

Tuesday October 09, 2018 - 16:42:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya Oo Qaraxyo lala Beegsaday Xilli Ay Ka Gudbeen Magaalada Buula Burde.

    Weerar hor leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya ku qabsaday wadada laamiga ah ee marta gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hor leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya ku qabsaday wadada laamiga ah ee marta gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya degmada Buula Burde ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qarax lala helay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti xilli ay ku socdaalayeen meel ku dhow deegaanka Buurweyn oo qiyaastii 35Km dhanka Koonfurteed uga beegan magaalada Buulo Burde.

Wariye ku sugan gobolka Hiiraan ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in labada qarax ee ciidamada Xabashida Itoobiya lala helay ay waxyeello ugeysteen gaadiid gaashaaman oo ay wateen.


Dadka deegaanka ayaa dhankooda sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo waaweyn oo is xigxigay islamarkaana ay sheedda ka arkayeen qiic iyo Uuro Madoow oo cirka isku shareertay.

Ciidamada huwanta ah ayaa afka saaray dhanka wadada laamiga ah ee aadda magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho balse lama oga in ay uleexan doonaan dhanka degmada Jalalaqsi oo ay ku suganyihiin ciidamo Jabuutiyaan ah iyo in ay ugubi doonaan magaalada Jowhar ee Sh/dhexe.

Kumanaan katirsan Ciidamada Itoobiya oo kasoo gudbay xuduud beenaadka ah ayaa isbuucii sedaxaad oo xiriir ah weeraro kula kulmaya wadada laamiga ah, xoogaga Al Shabaab ayaa ciidamadan u adeegsanaya dagaalka Jabhadeynta iyagoona ka dilay tobanaan askari gaadiidna ka gubay.

Waa Markii ugu horraysay oo ciidamada gummeysiga Itoobiya ka gudbaan magaalada Buundada leh ee Buula Burde tan iyo sanaddii 2008 xilligaas oo ay duullaan ku qabsadeen Soomaaliya inteeda kale.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items