Madaxweyne Cusub Oo lagu Dooranayo Cadaado iyo Guddoomiya Baarlamaan oo Dhuusamareeb Lagu Doortay.

Wednesday October 10, 2018 - 10:48:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cusub Oo lagu Dooranayo Cadaado iyo Guddoomiya Baarlamaan oo Dhuusamareeb Lagu Doortay.

    Waxaa sii xoogeystay khilaafka aan dhammaadka laheyn ee ka dhax oogan mas'uuliyiinta maamulka dabadhilifka ee isku magacaabay Galmudug ee kajira bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Gacal Casar guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Galmudug
Waxaa sii xoogeystay khilaafka aan dhammaadka laheyn ee ka dhax oogan mas'uuliyiinta maamulka dabadhilifka ee isku magacaabay Galmudug ee kajira bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xildhibaannada Baarlamaanka Garabka Xaaf taageersan ay guddoomiye cusub doorteen halka garabka kale ee Cadaado ku sugan ay qorsheynayaan in ay sameystaan madaxweyne.

Ismaaciil Cabdulle Axmed Nin lagu magacaabo ayay xildhibaannada Dhuusamareeb ku sugan udoorteen guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka wuxuuna bedelayaa Cali Gacal Casar oo horay looga qaaday xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.


Dhinaca kale xildhibaannada fadhigoodu yahay magaalada Cadaado ayaa iyana shaaciyay dhowaan ay dooran doonaan madaxweyne cusub oo bedelaya Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Max'med Xaashi Carabeey iyo Cali Gacal Casar oo ujanjeera dhanka xukuumadda Kheyre ayaa wada dadaal ay xilka uga tuurayaan Xaaf.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items