Qarax Khasaara Geystay Oo Ka Dhacay Ex.Control Afgooye.

Wednesday October 10, 2018 - 20:45:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Geystay Oo Ka Dhacay Ex.Control Afgooye.

    Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay galbeedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay galbeedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo qabsaday gaari nuuca raaxada ah ayaa ka dhacay meel ku dhow bar koontarool oo ciidamada dowladda Federaalka ay ku lahaayeen isgoyska Ex.Control Afgooye.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in gaariga uu lahaa mid kamida saraakiisha maamulka gobolka Banaadir halka warar kale ay sheegayaan in gaari uu lahaa mas'uul katirsan maamulka Gobolka Galmudug.

Sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen qofkii bartilmaameedka ahaa ayaa qaraxa ka badbaaday balse hal qof ayaa la sheegay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items